Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda ciidamada oo xukuntay agaasime ka tirsan G/Banaadir oo lagu helay Shabaabnimo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saaka xukun adag ku riday Nuur Cali Axmed (Mahad Alle) oo ka tirsanaa mas’uuliyiinta ka howlgalka xarunta maamulka gobolka Banaadir ee dowladda hoose Xamar.

Mahad Alle oo in muddo ku jiray xabsi, islamarkaana ay ku socdeen baaaritaano dheeraad ah ayaa ahaa ku simaha agaasimaha shaqada ee gobalka Banaadir.

Maxkamadda ciidamada ayaa sheegtay in mas’uulkan lagu helay Shabaabnimo, islamarkaana uu horay ula soo shaqeeyey kooxdaasi.

Sidoo kale waxa ay maxkamaddu tilmaamtay in Nuur Cali Axmed (Mahad Alle) uusan soo marin habka is diiwaan galinta xubnaha isaga baxay firkirka Al-Shabaab, iyada oo ku xukuntay saddex sano oo xabsi ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale sii deysay C/laahi Cabdiraxmaan Maxamed oo ay walaalo ahaayeen Basiiro Cabdi Maxamed, balse magaceeda runta uu ahaa Maryan Cabdi, taas oo fulisay weerarkii ismiidaaminta ee ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Weerarkaas oo dhacay 24-kii July ee sanadkii hore ayaa waxaa ku dhintay mas’uuliyiin caan ahaa oo uu ku jiray guddoomiyihii gobolka Banaadir, Marxuum Injineer Yariisow.

Tan iyo markaas dowladda Soomaaliya ayaa waday baaritaano ku aadan qaraxaasi, iyadoona loo qabtay dad uu ku jiray agaasimaha maanta la xukumay ee Mahad Alle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this