Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sheegtay in ay tallaabo militari ka qaadayso dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Axmed-Muuse-Nuur.jpg?w=1000&ssl=1Guddoomiye Axmed Muuse Nuur yare

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowladda Puntland Axmed Muuse Nuur Yare, oo waryesi saaka wareysi gaar ah siiyay Puntland Post, ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay doonayso in ay ciidamo badan ku soo daabusho gobolka Mudug, si ay ula wareegto.

Guddoomiyaha ayaa sheegay ,in uu ka sii war-helay qorshe abaabulan oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku raadinayso, in ay bisha saddexaad ee soo socota ciidamo ku soo daabusho gobolka Mudug, gaar haanna magaalada Gaalkacyo, si ay ula wareegaan guud ahaan gobolkaasi.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu tilmaamay in qorshahaas ay Villa Somalia u bixisay xoraynta gobolka Mudug, islamarkanaa lagu doonayo in Puntland looga xoreeyo gobolka, balse uu fashil buuxa ku dambeyn doono.

Mudane Axmed Muuse Nuur, oo wax laga weydiiyay go’aanka Puntland ka qaadan doonto arrinyaas, ayaa xusay in ay tallaabo militari kaga jawaabi dooonaan, haddii ciidamada Federaalku  ay cag soo dhigaan taaka kamid ah dhulka Puntland.

Guddoomiyaha sidoo kale tilmaamay, in qorshaha Villa Somalia uu yahay mid ballaaran oo la doonayo in lagu qabsado dhulka Nabadda ah ee dowlad goboleedyada, isagoo tusaale u soo qaatay ciidamo la geeyay gobolka Gedo.

Hoos ka daawo wareysiga oo dhan

PUNTLAND POST

The post Puntland oo sheegtay in ay tallaabo militari ka qaadayso dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this