Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo lagu eedeeyey inuu taageerada kooxaha xagrjirka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arrimaha dibadda ee boqortooyada Sacuudi Carabiya Adel-jJubeir oo ku sugnaa maagaalada Bucharest ee caasimada dalka Romania ayaa dowlada Turkiga ku eedeeyay in ay taageerto ururo ka dagaalama dalalka Soomaaliya, Lipya iyo Suuriya.

Al-Jubeir  oo kulamo la qaatay madaxda ugu sareysa dalka Romania ayaa shir jaraa’id uu ku qaabtay caasimadda dalkaasi waxa uu ka sheegay in boqortooyada Sacuudi Carabiya ay ka soo horjeedo faragalinta dhanka ammaanka ah ee Turkiga uu ka wado dalalka Soomaaliya, Suuriya iyo Lipya.

Sidoo kale ayaa tilmaamay in Turkiga uu qorsheenayo in ciidamo uu geeyo Lipya, taasina ay qeyb ka tahay hurinta colaadaha dalkaasi.

Ugu damgbeyn wuxuu  xukuumadda Ankara ku eedeeyey in ay taageerto ururo ka dagaalama Soomaaliya, isagoo sheegay in taasina ay cambaareeneyso Riyad.

Turkiga ayaan weli ka jawaabin eedeymaha loo jeediyey, iyadoo uu dalkaan yahay saaxiibka koowaad ee Soomaaliya, isaga oo ka caawiyo dhinacyo dhowr ah

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this