Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya Oo Qirtay In Wada Xaajoodkii Biyo-Xidheenku Natiijo La’aan Ku Soo Dhamaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-New York)-Kulan u dhexeeyey dalalka Itoobiya, Masar iyo Suudaan, kuna saabsanaa khilaafka biyo-xidheenka GERD ayaa ku soo dhamaaday natiijo la’aan, magaalada Washington.

RTX75I7H-870.jpg

Sida lagu baahiyey mareegta Waltanews shalay, Wada xaajoodkan oo labadii maalmood ee u dambeeyey ka dhacay dalka Maraykanka, lana xidhiidhay sidii xal waara looga gaadhi lahaa khilaafka biyo-xidheenka Itoobiya, ayey goobjoog ka ahaayeen Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka iyo Madaxweynaha Bangiga.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Mareykanka, Fitsum Arega, oo bartiisa twitter-ka fariin ku baahiyey ayaa qiray in wada xaajoodkii saddexda wadan natiijo la’aan ku dhamaada, waxaanu idhi, ” Kulankan u dhexeeya Itoobiya, Suudaan iyo Masar ee ku saabsan GERD wuxuu ku soo dhammaaday heshiis la’aan. ”

Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka iyo Madaxweynaha Bangiga Adduunka oo kaga soo qeybgalay kulanka goobjoogayaal ahaan ayaa shaaciey in guddiyo farsamo loo saaray qododbada saddexda wadan ku heshiin karaan, lana soo saari doono mustaqbalka dhow.

In kasta oo saddexda waddan ay yeesheen fadhiyo badan oo ku saabsan xallinta arrinta Wabiga Niil, haddana heshiis cad oo la isku raacsan yahay weli lama gaadhin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this