Sign in to follow this  
Deeq A.

Dab Xooggan Oo Ka Kacay Duleedka Magaalada Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar aan ka helnay gobalka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in Dooxo ku taal duleedka magaalada Laascaanood uu qabsaday dab xooggan oo la soo warinayo in aan wali lagu guuleysan in la damiyo.

Dooxadan oo ku taal duleedka Magaalada Laascaanood islamarkaanka lagu magacaabo Ooda-Gooye ayaa dabkan waxa uu ka kacay galinkii dambe ee shalay waxaana la soo sheegayaa in dadkii ka agdhawaaa halka uu dabka ka kacay ay bilaabeen barakac.

Waxaa soconaya gurmad lagu doonayo in lagu damiyo dabkaasi, iyadoo haatan dabku uu ku sii fidayo meelo kale oo hor leh, waxaana dadaalo badan wada dowladda hoose ee magaaladaasi iyo dad shacab ah.

Waxaan wali la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in uu kaco dabkan.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this