Sign in to follow this  
Deeq A.

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyey iyo dibadbax laga cabsi qabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Galgaduud ayaa sheegaya in maanta xaaladda Dhuusamareeb ay tahay mid degan, taas oo saacadihii la soo dhaafay amnigeeda ay si xoogan u adkeeyey ciidanka amniga ee magaaladaasi.

Askar fara badan oo daadsan jidadka ayaa lagu arkayaa waddooyinka muhiimka ah ee Dhuusamareeb, kuwaas oo dhaqaaqyo cusub ka wada halkaasi.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegay in laga cabsi qabo in dibadbaxyo ay ka dhacaan gudaha magaalada, kuwaas oo ay dhigayaan taageerayaasha madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu Sunna Waljamaaca, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Isku socodka dadka iyo kan ganacsiga ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inuu dib u soo laabtay ka dib muddo kooban oo uu hakad ku jiray.

Khamiistii ayey aheyd markii ciidamo ka tirsan kuwa nabad sugidda Soomaaliya ay is hor istaag ku sameeyeen dad isugu jiray odoyaal, haween iyo caruur oo doonayay inay gudaha galaan degmada Dhuusamreeb, kuwaas oo ka mid ah taageerayaasha, Sheekh Shaakir, kana yimid dhanka magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Xaaladda Galmudug ayaa weli is jiid jiid ku jirta, kadib markii uu khilaaf hor leh ka dhashay doorashadii hooggaanka maamulkaasi ee dhowaan ka dhacday Dhuusamareeb.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this