Sign in to follow this  
Deeq A.

Dooxada Ooda-Gooye oo maalintii labaad gubaneysa iyo wararkii ugu dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay uu dab xoogan ka kacay dooxada Ooda-Gooye oo ku taalla duleedka maaalada Laas-Caanood ee waqooyiga dalka Soomaaliya.

Dabka ayaa lagu soo warramayaa inuu haatan ku sii fidiyo dhul Keyn ah oo ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inuu barakac ka bilowday deegaano ku dhow dooxada uu dabku qabsaday, iyagoona dadka ay isaga fogaanayaan deegaanadaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inay socdaan dadaallo looga hortagayo inuu sii fido dabka, islamarkaana ay dhacayaan dabaylo uga sii daraya xaaladda.

Illaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay dabkan oo weli ku socda s xawli ah.

Dooxada Ooda-Gooye ayaa ku taalla dhul Miyi’ ah oo ku wanaagsan daaqsinka, waxaana sidookale ay ka mid tahay dooxooyinka waaweyn ee gobolka Sool.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this