Sign in to follow this  
Deeq A.

Dooxada Ooda-Gooye oo weli gubaysa

Recommended Posts

Deeq A.   
dabka.jpg?w=1000&ssl=1Dooxada Ooda-gooye oo weli gubaysa

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in uu weli socdo gurmadka lagu deminayo dab xooggan oo gelinkii dambe ee shalay ka kacay dooxada Ooda-Gooye oo ku taalla duleedka Bari ee Laascaanood.

Dabka oo si xawliya ku socda ayaa gelinkii dambe ee shalay  ku fiday jihooyin kala duwan oo kamid ah dooxada Ooda- Gooye ee kaabiga ku haysa magaalada Laascaanood waxaana tan iyo xilligaasi socday gurmad lagu deminayo dabkaas.

Dadweynaha Laascaanood oo kaashanaya dowladda hoose ee degmadaasi ayaa la sheegaya in ay weli ku gud jiraan sidii loo demin lahaa dabka ku fidaya dooxada Ooda-Gooye oo ah meel daaqsinta ku habboon inkastoo aan ilaa iyo hadda la soo werin khasaare naf banii’aadam iyo xoolo midna.

Bulshada ku dhaqan Laascaanood waxay soo sheegayaan in dhul baaxad weyn oo kamid ah dooxadaasi uu gubtay welina uu sii socdo dabka.

PUNTLAND POST

The post Dooxada Ooda-Gooye oo weli gubaysa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this