Sign in to follow this  
Deeq A.

Fiqi: Wareysigii madaxweynaha “Nin kaligiis garramay”

Recommended Posts

Deeq A.   

Axmed Macallin Fiqi oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay wareysi uu maalmo ka hor bixiyey Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaan Fiqi ayaa qoraal uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay ku sheegay in wareysigaasi ahaa mid ay faafreeb ku sameysay madaxtooyada Soomaaliya.

Fiqi waxa uu sheegay in aan madaxweynaha wax laga weydiin doorashadii Galmudug, is araggii isaga iyo Muuse Biixi, dhammaystirka dib u eegista dastuurka, arrimaha is dhexgalka geeska Afrika, dhiibistii Qalbidhagax iyo dalka sida doorasho uga dhacayso haddii khiaaf ka dhaxeeyo dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada.

Xilshibaan Fiqi wuxuu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uusan u muuqan nin raba inuu dhammeeyo khilaafka kala dhexeeya dawlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, maadaama uu ku tilmaamay kuwo u shaqeeya shisheeye.

Sidoo kale Xildhibaan Fiqi waxa uu tilmaamay in jawaabaha uu ka bixinayey madaxweynuhu su’aalaha la weydiiyey badankoodu aysan ahayn kuwo is leh, wuxuuna sheegay in lagu tilmaami karay “Nin kaligii garramay”.

Gabagabadiina Fiqi waxa uu sheegay in waraysigu uu banaanka soo dhigay in Madaxweyne Farmaajo ay maskaxdiisa ka guuxayso muddo kororsi.

PUNTLAND POST

The post Fiqi: Wareysigii madaxweynaha “Nin kaligiis garramay” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this