Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Kumandoos cusub oo lagu soo tababaray Turkey oo Muqdisho kasoo degay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Difaaca Soomaaliya Xasan Cali Maxamed, Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo ay wehliyaan taliska xarunta tababarada ciidamada ee Turki-Som ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay cutubyo ka tirsan kumaandooska Soomaaliya ee Gorgor oo tababar gaar ah ku soo qaatay dalka Turkiga, kuwaasi oo Muqdisho dib ugu soo laabtay.

Taliye ku-xigeenka ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sareeyo Guuto Maxamed Cali Bariise oo goobta kula hadlay ciidamadan ayaa xusay in door weyn ay ka qaadan doonaan dadaalada dowladu ay dooneyso in ay ku xasiliso dalka.

Bariise ayaa intaas ku daray in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin sidii shacabka Soomaaliyeed ay uga dulqaadi lahaayen culeeyska ay ku hayaan argagixisada Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed Amar-dambe ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siisay dhismaha ciidanka xoogga, isagoo intaa raaciyay in tababarada gaarka ah ee ciidamada ay ku soo qaataan Dalka dibadiisa ay qeyb ka tahay joogtaynta xuquuqda ciidamada.

Wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa xusay inay mudanyihiin in loo mahadceliyo ciidanka, maadaama naftooda ay u hureen Difaaca Qaranimada Soomaaliya, waxaana dowladdu ay dadaal xooggan galisay dhismaha ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

13-5.jpgdbea9d5e-c937-4e20-8e26-cb91c58cc34d.jpgEQwOPgnWoAY82Cz-scaled.jpegEQwOPggW4AEkdUZ-scaled.jpegEQwOPgmW4AARmKh-scaled.jpegEQwOPgpWoAE22Pu-scaled.jpeg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this