Sign in to follow this  
General Duke

Somali's and the caste issue in marriage

Recommended Posts

The title of the thread is to ask the general Nomads in SOL, what their views are on the discrimination of the “minority” clans or those that some ignorant masses within our society deem as unworthy to marry and look down upon.

 

While not dwelling on the historic injustice of this issue, what is the modern Somali specially those in the Diaspora’s perspective, have you come across such cases in your own lives?

 

Would you as a member of the "big" clans marry from these clans? Wouls you allow your children, and many of us are parents to marry into these clans and vica versa?

 

Do share

Share this post


Link to post
Share on other sites

Here is a story I came across online today..

.................

Qofka aad ifka ugu jaceshahay haddii uu kuugu xumeeyo qalbigaaga sidee buu-noqon lahaa (Dhacdo Xanuun Badan).

 

Subax walba oo dilaaca adduun aanu ku nool nahay, wax yaabo kala duwan baa ka dhaca, qaar waala dilaa, qaar waala xiraa, qaar waala dhacaa, qaarna waala heyb soocaa. Hadaba tan ugu xanuunka badan ayaa waxay tahay Qof Muslim ah oo inala mid ah ayaa dhaawacyo kala duwan u geysanaa.

 

Tusaale ahaan kaba soo qaad shaqsi ahaantaada, haddii uu ku heyb sooco nin asaagaaga ah, side baad noqon laheyd, Alla Xanuun badanaa.

 

Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday Gobolka Ohio ee cariga Maraykanka iyadoo ay dhex martay lamaane Somaliyadeed oo uu ka dhaxeeyey jaceyl macaan. Hadaba lamaanahaan ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Faa’iza iyo C/qaadir. Faaisa oo inala soo xiriirtay ayaa inooga sheekeysay sida wax u dhaceyn, sheekadiina waxay ku bilaabaneysaa sidatan:-

 

waxan ku dhashay magaaladda Muqdisho sanadka markuu ahaa 1982-kii. Waxaan ku dhashay degmada Waaberi balse waxan ku soo bar-baaray degmada Xamar weyne, dugsigayga hoose dhexe waxan kusoo qaatay Xaawo Taako Iskuul. Balse balse waxbarashayda dugsiga Sare waxan kusoo qaatay Al massal Primary and Secondary School oo ku yaallay 21 Oktoobar ama aga-gaarka Kmg-4.

 

sanadka markuu ahaa 2003-dii ayaa Alle wuxu qadaray Aabahay oo ku noollaa dalka Maraykanka inuu inoo dacwoodo aniga iyo dhamaan inta xubnood ee qoyskayna. Nairobi ayaa tagnay balse nasiib wanaag 5 bilood kadib waxaanu caga-dhigana Magaaladda Columbus ee gobolka Ohio. Waxaan durbadiiba bilaabay waxbarasho.

 

Balse sanadkii 2004-ta ayaa waxa dhacday in’aan booqdo Habar-yartee oo ku nooleyd Mineapolis, Alla maxaa i geeyey. Alla maxaa igu watay, waa meesha i hor-seeday dhibaatadaan oo dhan in’ay i soo gaarto.

 

Si kastaba ha’ahaatee waan tagay, waxaan maalin maal maha kamid ah ayaa waxaa Jaamacad u raacay gabar ay dhashay Habar-yartee oo xilligaas dhiganeysay Jaamacadda, waxaa inagu soo leexday wiil ay aqoon fiican isku lahaayeen gabadha ay Habar-yartee dhashay, kaasoo ay jaamacadda wada dhigan jireyn.

 

Wiilkii ayaa waxay wada hadleyn gabadhii, isagoo si kaftan ah igu yiri maxaa dhacay adiga wadaad miyaa tahay oo wiilasha maba salaantit miyaa?, anigoo aanan juuq iyo jaaq dhihin ayaa gabadhii u jawaabtay kuna tiri gabadhaan maba qososho ee ka leexo, markaas baan is-celin waayey oo halmar uu qura ayaan qosol ku dhuftay, xaqiiqdii weligee wiil kuma aanan hor qoslin haddii uusan waxba naga dhaxeyn, balse maalintaan maba aqaano sababta uu qosolka iga soo fakaday.

 

Hase yeeshee waan isbaranay aniga iyo wiilkii, wuxu i sheegay in C/qaadir ladhaho anna waxan u sheegay in Faa’iza la’idhaho. Teleefanada ayaa kala qoranay waxaa u soo laabtay magaaladda Columbus, xirir fiican ayaa ina dhex maray aniga iyo C/qaadir, dhaaxaa wada- sheekeysano jaceylkaynii waa uu sii xoostay.

 

Waxaan wada soconay in ka badan 3 sano, weligee maanan weydiin Qabiilka uu ka dhashay sidoo kale isaga qudhiiso muusan i weydiin. Waxaan ku heshiinay inaan isguursano marba haddii aanu is-fahanay oo aanu iska helnay. Inta badan nolosheyda waxan kusoo qaatay magaaladda Muqdisho, misa-na Jaceylka aan u qaaday C/qaadir maanan arag weli wiil aan u qaaday. Xitaa waxan gaaray habeenkii haddii aan seexanaayo inaan ku seexdo anigoo codkiisa maqlaayo, cajiib Walee naf jaceyl haayo hawli kama dhamaato.

 

Sidoo kale C/qaadir qudhiisa wuxuu i sheegi jiray jaceylka uu iga helay in’uusan weli ka helin gabar kale.

 

Habeen habeenada kamid ah ayaa wuxu yimid magaaladdii aan ku noolaa, isagoo habeenkaas i sheegay Qabiilka uu dhashay, halka uu isna iga codsaday in’aan u sheego Qabiilkii aan ka dhashay, hase yeeshee waan u sheegay, weliba wuxu dareemay in’aan kasoo jeedo Beelaha Laheyb Sooco. Waxba Dareen ah kama aanan arag. Balse laba cisho kadib ayaa wuxu ku laabtay Magaaladda Mineapolis oo markii horeba uu ka yimid.

 

Wuxuu u tagay gabadhii ay dhashay Habar-yartee isagoo kala dul dhacay CAAY IYO AF LAGAADO tii ugu xumeyd. isagoo ku yiri Naayaa maxaad i bartay naag aanan aheyn Gayaankayga. Halka ay iyana isku difaacday, war maalintii aad inagu soo leexaneysay aniga miya ku dhahay inagu soo leexo ama gabadhaan baro ayan ku dhahay. Adeb malihid ee gabadhaas meel ay la’dahay maleh ee dhaqaaleyso ama si-tartiib ah iskaga fasax.

 

Laba habeen iyo maalin muusan i soo wicin, oo haddii aan waco teleefanka igama qabanaayo, sidoo kale gabadha ay habar-yartee dhashay maysan i soo wicin oo waxba maysan i sheegin oo way iga qarineysaa. Goor ay tahay habeen xilli danbe ah ayuu i soo wacay isagoo Abaalkayga ka dhacay Caay iyo in uu wax ka sheego Qabiilka aan ka dhashay, waa yaabanahay oo weli wax jawaab ah maanan siinin. Ugu danbeen wuxu igu yiri aniga iyo adiga isma-geyno ee Shimbirkaaga la-duul, halka aan aniguna ku danshay Teleefanii.

 

Waxaan sameyo garan maayo, aniga tayda meel iska dhigto, adiga oo ah akhristaha sheekadaan akhrisanaayo bal fikir tanoo kale haddii ay kuugu dhici laheyd walaalkey ama walaashey side baad noqon laheyd, Alla joogis adduun dhibaato badanaa.

 

Jaceylkiisa waxan ka qaaday xanuun fara-badan iyo cuqdad gooni ah. Haddii aan isdili lahaa si’uu xanuunka i dhaafo oo hadhow heli maayo meel aan ku bad baado oo haddii aan nafteeda jaro, in la’igu abaal gudi doono Cadaabtii Alle Subxanallah.

 

Iyadoo uu xaalka igu xun yahay ayaa waxaa i soo wacday gabadhii ay habar-yartee dhashay iyadoo igula talisay in’aan dib danbe ula hadlin C/qaadir bacdamaa uu sidaan ii galay.

Waxa arinkii u sheegay hooyadee oo awalba ogeyd inaan wada shekeysano C/qaadir iyo aniga halka uusan Aabahee waxba kala socon. Hooyo ayaa waxay igula talisay inaan faraha ka qaado maadaama uu sidaasi gartay. Ugu danbeen waxaan go’aaan ku gaaray in’aanan la sheekeysan wiil danbe wuxu doono ha-noqdoo, anigoo sugi doono inta calafkayga ka dhiman.

 

Intaasi ayey Faa’iza ku soo goobtay caashaqii xanuunka badnaa ee soo maray.

Hadaba akhristaha sharafta lahow qisadaan darankayga maxay ku abuurtay,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jaceylkiisa waxan ka qaaday xanuun fara-badan iyo cuqdad gooni ah.
Haddii aan isdili lahaa si’uu xanuunka i dhaafo oo hadhow heli maayo meel aan ku bad baado oo haddii aan nafteeda jaro, in la’igu abaal gudi doono Cadaabtii Alle Subxanallah.

 

Iyadoo uu xaalka igu xun yahay ayaa waxaa i soo wacday gabadhii ay habar-yartee dhashay iyadoo igula talisay in’aan dib danbe ula hadlin C/qaadir bacdamaa uu sidaan ii galay.

Waxa arinkii u sheegay hooyadee oo awalba ogeyd inaan wada shekeysano C/qaadir iyo aniga halka uusan Aabahee waxba kala socon. Hooyo ayaa waxay igula talisay inaan faraha ka qaado maadaama uu sidaasi gartay. Ugu danbeen waxaan go’aaan ku gaaray in’aanan la sheekeysan wiil danbe wuxu doono ha-noqdoo, anigoo sugi doono inta calafkayga ka dhiman.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

I know at the judgement day Allah wont judge me on who I married and what her qabiil was. So if she was blue, white, somali or whatever i dont mind . And inshallah may i have many daughters the only condition i would place them would be that her husband be a muslim and the kids be brought up under a somali culture and language. Sas story for the girl and may allah provide her with a husband who will value her or real worth and not her qabiil

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che, of course if the man was to her liking and decent. I would rather have that than an ***** who happened to be from the "big" clans. There is no doubt. Why descriminate my own people for no reason other than it's the norm?

Share this post


Link to post
Share on other sites

What about you, ever come across such incidents in your own life? What's your opinion, I don't get wen like the story above a grown man ould turn down a beautiful woman becaus of this nonsnse?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^I think keeping under wraps is what slowing progress Ayeeyo.

 

 

Duke...I have never seen or experienced such story but it is fair to say some of my own family members won't have preferable outlook on the issue. And I don't have kids so anything I would do is just theory.

 

If I find myself in love with girl from said community, could give rats a*ss, what anyone else think of her.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Khayr   

Originally posted by General Duke:

Che, of course if the man was to her liking and decent. I would rather have that than an ***** who happened to be from the "big" clans. There is no doubt. Why descriminate my own people for no reason other than it's the norm?

k den, so Suuldanka can bring his son to marry your daughter. A Puntland and Sland union! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ lool that's not even the subjct here, I don't believe on arranged Marriage, my daughter insha Allah will have the right to choose who she wants, as long as e is decent she will get my blessing. I prefer a Somali though that's where I won't compromise, he is a revert , a nice Pakistan won't do, culture is important and no one wants cnfusion and difficultyfor their child.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Originally posted by Che -Guevara:

If I find myself in love with girl from said community, could give rats a*ss, what anyone else think of her.

Easier said than done ayeeyo...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Curly   

I think a person should only be considering (note I'm not using the word judged) on their actions and merits. I wouldn't rule anything out for my child, hoping that they were wise enough to make a decision based on the their best interest.

 

My major concern would be if my child were to bring home someone who had the follow, which are in no particular order:

 

- prison history

- drug use

- abusive, either physically or verbally

- had no goals or aims in life

- deceptive

 

It's starting to look like a long list but like anyone else I would like my child to be safe and have a good future. As for religion and ethnicity I would like to hope that my child decided to marry a muslim person but that their choice. Hopefully a child brought up with right moral would have the sense to make the right choices in life.

 

As for tribes? what hogwash...people need to start making their lives more worth while then maybe they wouldn't need to hold on to these beliefs that their tribe makes them who they are.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this