Che -Guevara

SNA in control of Gedo

Recommended Posts

DF oo si rasmi ah uga hadashay ciidamada ay ku daabushay Gedo iyo ujeedkooda

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay ciidamada dhowaan ay ku daabushay gobolka Gedo, kuwaas oo qabsaday degmooyin ka mid ah gobolka.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ciidamada tegay gooblka Gedo ay yihiin kuwa militari, islamarkaana tegistooda ay qeyb ka tahay difaaca dalka.

“Sida sharciga uu qorayo, difaaca dalka waxaa mas’uul ka ah dowladda dhexe, ciidamada militariga ee hadda dhismaya ayagaa howshaas mas’uul ka ah, sidaas ayayna u tageen Gedo,” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada militariga Soomaaliya ay sidoo kale tagi doonaan gobollo kale, oo dalka ka mid ah, islamarkaana aysan jirin sabab arrintaas sharaxaad looga bixiyo.

Hadalkiisa ayaa imanaya, ayada qoraal shalay kasoo baxay golaha wasiirada Jubaland lagu sheegay in dowladda dhexe ay “farogelin qaawan” ku hayso dowlad goboleedka Jubaland ayna “weerar qaawan kusoo qaaday” gobolka Gedo.

Jubaland ayaa ku dhowaaqday inay heegan buuxa geliyaan ciidamada kala duwan ee dowlad goboleedka Jubaland, si looga hortago, baa la yiri “weerarada qaawan ee ay dowladda federaalku kusoo qaaday Jubaland.”

Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowrkii malamood ee tagay qabsaday degmada Beled-Xaawo iyo Doolow, taasi oo macanaheedu yahay in si buuxda uu gobolka Gedo, oo ka tirsan maamulka Jubaland, iminka yy gacanta ugu jiro dowladda dhexe.

Xigasho

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhaqaale   
19 hours ago, maakhiri1 said:

did this hit a nerve? are you afraid? Somalia is coming back, like it or not, and it is ad ama ha fadin walee waa lagu fadsiin.

cabsi cabsi ayaa ka jirta somaliland nolosheeda iyagu wax kale ma hayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiisadan ayaa salka ku haysa kadib markii ay fariisimo ka dhex sameysteen gudaha magaalada Mandhera ee dalka Kenya ciidamo daacad u ah maamul goboleedka Jubbaland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo dhowaan ka baxsaday gacanta dowlada federalka.

Ciidamo daacad u ah dowlada federalka ayaa isku urursanayo xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya iyadoo laga cabsi qaba inay weerar ku qaadaan hotel uu ka degen yahay magaalada Mandhera Cabdirashid Janan oo ay dowlada federalka u jartay waaran lagu soo qabanayo.

WWW.JOWHAR.COM

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in xiisad dagaal ay ka jirto magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Mandhera oo ku kala yaal...

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaanka Mandhera oo dalbaday in Kenya ay xirto oo ay gacan geliso Janan

Xildhibaan Cumar Macallin oo baarlamanka dalka Kenya kasoo galay Bariga Mandhera ayaa dowladda Kenya ugu baaqay inay xirto oo wasiirka amniga Jubaland ay u gacan geliso dowladda Soomaaliya, ama in isaga iyo ciidamadiisa ay ka ceyriso magaalada Mandhera.

Cabdirashiid Janan oo 28-kii Janaayo ka baxsaday Muqdisho, ayaa ku sugan magaalada Mandhera, halkaasi oo ciidamo uu ku haysto.

“Ma garanayo waxa ay dowladdeena ka faa’iideyso inay gabaad siiso dambiile la doonayo. Ha xirto dambiilahan oo ha dhiibto, ama ha ka ceyriso Mandhera, si ay nabad u ahaato,” ayuu yiri Cumar Macallin, oo horey u ahaa barasaab ku-xigeenka Mandhera.

“Waxaan ogahay in wasiir baxsad ah iyo ciidamadiisa ay hadda ka howl-galaan saddex hotel oo ku yaalla Mandhera. Dowladda Kenya waa inay arrintan kala caddeysaa. Maxay arrintan ka faa’iideysaa Mandhera oo hadda la daalaa dhaceysa xasarad waxbarasho,” ayuu yiri xildhibaanka oo la hadlay Daily Nation.

Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo xiisad xooggan ay ka taagan tahay magaalada Mandhera ee dalka Kenya, xilli wararka ay sheegayaan in ciidamada Soomaaliya ay isku urursanayaan magaalada xuduudda la leh Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ee Soomaaliya.

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi ayaa qoray in xiisadda Mandhera ay salka ku hayso cabsi laga qabo in ciidamada Soomaaliya ay qorsheynayaan inay soo weeraraan hotel ku yaalla magaalada, oo uu degan yahay wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan, oo kasoo baxsaday dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey uga digtay dowladda Kenya in gabbaad siinta wasiir baxsad ah oo la doonayo ay waxyeeleyn karto xiriirka wanaagsan ee labada dal.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale Kenya ka codsatay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo qabato, una soo wareejiso eedeeysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan).

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhaqaale   

I see my post regarding the genealogy and historical formation of the northern bushman were deleted. I guess I struck a nerve. wow. Next time don't start something and there won't be nothing to cry about.

Share this post


Link to post
Share on other sites
On 2/9/2020 at 3:14 PM, Che -Guevara said:

I actually know people in Beled Xaawo. Stop the lies.

 

Remember that the Ethiopian troops protecting them supporting them as reserve are very mixed, but with good doze from Kililka. So far the news is that the Ethiopians are disappointed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   
4 hours ago, Old_Observer said:

 

Remember that the Ethiopian troops protecting them supporting them as reserve are very mixed, but with good doze from Kililka. So far the news is that the Ethiopians are disappointed.

Ethiopian troops are not mixed and never been mixed ever.
I dont know if you talking tea makers as troops.

Share this post


Link to post
Share on other sites
19 hours ago, gooni said:

Ethiopian troops are not mixed and never been mixed ever.
I dont know if you talking tea makers as troops.

You misunderstood.

Mixed means Somali (Kililka), Oromo, Amxara...etc

If Abiy follows as things were done last 30 years, any Ethiopian forces that are sent to Somalia should always have a good doze of Somalis from Kilika.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.