Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalyahanno Shabaab ka tirsan oo lagu arkay Kenya iyo cabsi ka jirta dalkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi ( Caasimada Online) – Dagaalyahanno hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay gudaha u galeen gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahannadaasi oo aad u badan lagu arkay deegaanka Dad-Bule oo hoos yimaada degmada Wajeer ee gobolkaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay wargeyska afka dheer ee Daily Nation ayaa sheegay in dagaalyahannadaasi ay dadka deegaanka isugu yeereen goob fagaare ah, una sheegeen in aysan warbixin ku aadan xogtooda sii karin laamaha amniga dalkaasi.

Sidoo kale waxa ay sheegeen inay shacabka ku amreen in aysan sheegi karin xitaa in dagaalyahanno Shabaab ah ay soo galeen deegaankaasi.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana haatan cabsi xoogan ay ka jirtaa agagaarka magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari.

Dhanka kale ciidamada sida gaarka u tababaran ee Kenya ayaa dhaq dhaqaaqyo ka wada dhanka xadka Soomaaliya, kuwaas oo ka hortagayo weerarada Al-Shabaab.

Maalmihii ugu dambeeyey kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fuliso dalka Kenya, kuwaas oo geysta khasaare xoogan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this