Saalax

Illegal contraband weapons (39 pistols) from Wajaale, Somaliland region seized by Jigjiga admin

Recommended Posts

Saalax   

Ciidanka xooga gaarka DDS ee ka hawl gala magaalo qaran ayaa xili ay ku guda jireen hawlahoodii shaqo gacanta ku soo dhigay hub sharci daro ah oo dhan 39 bastooladood iyo ragii waday hubkaas oona ka soo galay dhanka wajaale sida ay SRTV u sheegaan saraakiishii gacanta ku soo dhigtay
 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Gudaha hargaysa waligeed bistoolad qofna laguma dilin, walaalihii kaloo soomaliyeed waxay u diraan xagjir iyo bistoolada wada socda.

Waa warshadda kaliya oo sodon sano aan shaqada joojin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

40 bastoolad iyo raggii watay oo lagu qabtay xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya

hilux.jpg

hub-1.jpg

Ciidamada Liyuu booliska ee dawlad degaanka Soomaalida, ayaa galabta gacanta ku dhigay hub, gaari iyo raggii wetay kuwaas uu gudaha u sii gelayey dhulka uu ka arimiyo ismaamulka Soomaalida.

Hubkaan ayaa waxaa wetay oo lagu qabtay illaa seddax nin, kuwaas oo watay gaari HILUX ah, hubkaas ayaana dhamaantiis bastoolado ah.

Bastooladaha lagu qabtay raggaas oo lasoo bandhigay sawirro laga soo qaaday ayaa tiradooda lagu sheegay 39 bastooladood.

Seddaxda nin ee lagu eedeeyey inay wateen hubkaas ayaa laga qabtay magaalo lagu magacaabo Qaran oo u dhaw magaalada ku taalla xuduudda dowlad deegaanka iyo Somaliland ee Wajaale.

TV-ga dawlad deegaanka ayaa baahiyay sawirrada gaariga iyo hubka lagu qabtay ragaas tiradooda lagu sheegay seddaxda nin, waxuuna weriyey in hubkaasi uu ahaa mid si sharci darro ah lagu gelinayey deegaanada maamulka, sharcigana lasoo taagi doono ragga ku eedeysan falkaas.

Xigasho

  • Thanks 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   
11 hours ago, maakhiri1 said:

Was reading Pistols more expensive,  sometimes more than Ak47, cuz high insecurity in Somalia, must have.

Pistols are easier to smuggle that is why.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Ethiopia sirdoonkooda yaa la nool meel fog hub ma gaarsiin karaan.

Waa punland iyo koonfurta waxay hadhuubkooda gediyeen, ayagoo wajiyo badan.

Dekadda qalalan, bur iyo sonkor   noogasoo dejin maayaan.

Dal-waynaha puntland xuduudkiisu waa sadexda marso ee boosaaso iyo doomaha ku xiran, inta kale snm yaa ka masuula.

Cadawga puntland waa dawlada dhexe oo ladhisay puntland oo qaangaara.

Qodobka 52aad yaa wax walba ku dhanyihiin furqadiisa labaad

Waxbarashada way ka manhaj horaysay aydoon guriba ka dhisnayn koonfurta yaa laga qalinjibin jiray iskoolada dalka punland.

Sharciga batroolka iyo kaluumaysiga waa isla qodabka firqadiisa(B)

Doorashada qof iyo cod waa in marka hore puntland lagu tijaabiyo hadii kale sharci noqon mayso.

Snm 40 sano bay sahyuuniyad u shaqaynayeen, cadawgeeduna waa soomaali, guri dayacan haday hesho waa sidaad doonto ugu galgalo aboowe.


 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.