Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo ka walaacsan xaalada Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Saaxiibadda aduunka ee Soomaaliya ayaa caawa war rasmi ah kasoo saaray arimaha doorashooyinka Galmudug.

Ugu horeyn, bayaanka ayaa walaac looga muujiyay khilaafka siyaasadeed ee kasoo cusboonaday maamul goboleedkaas.

Beesha caalamka ayaa dhinacyada ugu baaqday inay kawada qeyb qaatan hanaanka dhismaha Galmudug islamarkaana ka fogaadan xasiloonidaro iyo colaad.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan jilayaasha in khilaafaadkooda ku xalliyaan wadahadal, hadii loo baahdo in waqti kale la qaato, iyo in ay ku hagaan hadafka midnimada iyo xasilloonida dowlad goboleedka Galmudug ayna ka fogaadaan in la bilaabo howlo kale”

War-saxaafadeedka ayaa loogu baaqay gudoonka baarlamanka, musharixiinta, Ahlu Sunna iyo saamileyda siyaasadeed ee ku sugan Gaalkacyo in ay si wadajir uga qeyb qaataan doorashadda.

“Waxaan ku boorinaynaa hoggaanka Baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug, murashaxiinta madaxweynaha, Ahlu-sunna Wal-Jamaaca, dhinacyada ku uruursan Gaalkacyo iyo wakiilada ka socda Dowladda Federaalka inay marqaati ka noqdaan geedi-socod loo dhan yahay, isla markaana hufan.

Baaqa Beesha Caalamka ayaa kusoo aadaya xili khilaafka ka dhashay doorashadda ee u dhaxeeya dowladda, Ahlu Sunna iyo madaxweyne Xaaf uu gaarey meeshii ugu sareeyay isla markaana aysan muuqan isu soo dhowaanshiyo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this