Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaraar ka hadlaya xaalada Soomaaliya oo la ansixiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Ouagadougou (SMN) – Maalintii labaad waxaa Magaaladda Ouagadougou ‘’Waakadhuugu’’ ee Caasimadda Dalka Burkina Faso ka socda Kalfadhiga15-aad ee Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka, waxaana maanta kulan gaar ah yeeshay guddiga qaabilsan Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Dibadda oo  ansixiyay 33-qaraar oo lasoo gudbiyay kulankii dhacay daba yaaqadii sanadkii 2018.

Soomaaliya oo shirkan qeyb ka aheyd waxaa ku matalayay Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo ka tirsan guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka iyo Xoghayaha guud ee golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi ‘’Buux’’ waxaana Soomaaliya qaraaradan la ansixiyay ka quseeya qaraarka  NO:15-PRF/15-CONF oo ka hadlaya xaaladda Soomaaliya gaar ahaan horumaradda kala duwan ee dalka ka socda iyo sidoo kale dadaaladda ay wado Dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale qaraarkan waxa uu ku baaqayaa in dhamaan dowladaha xubnaha ka ah midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka iyo guud ahaan beesha caalamka ay sii xoojiyaan taageerada ay siinayaan Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale in laga faa’ideysto fursadaha maalgashi ee xiligan ka banaan Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jira dhowr qaraar oo wada taabanaya ama khuseeya inta badan dalalkan oo ay ka mid yihiin in guud ahaan dalalkan midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka ay meel uga soo wada jeestaan talaabo walba oo sharci dara ah oo lagu cuna qabateynaayo wadamada Islaamka,qaraar ka hadlaya dhibaatooyinka Tahriibka iyo Qaxootiga ee caalamka Islaamka, iyo qaraar ku saabsan sidii loo taageeri lahaa muslimiinta ku nool wadamada looga tirada badanyahay.

Sidoo kale waxaa shirkan barbar socday shirka 8-aad guddiga joogtada ah ee Arrimaha Dhaqanka, Qaanuunka,dooda,Ilbaxnimada iyo Diimaha oo ay ka qeyb galeen wakiilo ka socda Dowladaha Carabta,Asia iyo Afrika.

Waxyaabaha looga hadlayna waxaa ka mid ah ilaalinta iyo difaaca Goobaha barakeysan ee wadamada Islaamka oo ay ku jiraan goobaha cibaadada gaar ahaan ilaalinta Masjidka Barakeysan ee Qudus.

YC4A0667-300x200.jpg YC4A0623-300x200.jpg YC4A0616-300x200.jpg YC4A0610-300x200.jpg YC4A0622-300x200.jpg YC4A0614-300x200.jpg YC4A0621-300x200.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this