Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo dib u celisay markab siday xarig Internet oo Somalia loo soo waday

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku guuleysatay inay dib u celiso Markab jiidayey xadhig Internet, kaasi oo laga lahaa dalka Jabuuti, isla markaana la rabay in Xadhigaasi Internet la mariyo Badda Berbera, loona sii jiido Soomaaliya.

Dowladda Jabuuti ayaa hore u shaacisay in Badda Berbera ay marin doonto xadhig Internet, oo kamid noqon doonta Saddex magaalo oo xadhigaasi la marin doono.

Somaliland ayaa iyaduna sheegtay in aan lagala soo xiriirin xadhigaasi ay dowladda Jabuuti shaacisay inay marineyso Badda Berbera, isla markaana uu ogolaansho ka haysan xukuumada Muuse Biixi.

Ciidamada Ilaalada xeebaha Somaliland ayaa howl-galo ay sameeyeen kaga hortagay Markabkaasi oo ay sheegen in sifo sharci daro ah Xadhig ku marinayay Biyaha Somaliland, iyadoona loo sii jiidayo dhanka Soomaaliya.

Waxa la aaminsanyahay in talaabada ay Ciidamada ilaalada xeebahu ay uga hortageen Markabkaasi, isla markanaa ay dib uga celiyeen Biyaha Somaliland inay daba socoto hadal uu dhawaan sheegay Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland, kaasi oo ku shaaciyey in Jabuuti wax ogolaansho ah uga haysan xadhigaasi.

Markabka xadhiga jiidayay ayaa la sheegay in uu ka dhago adeygay digniino ay ciidamada ilaaladu siiyeen, isagoona isku dayay in uu xoog ku soo galo Biyaha Somaliland, balse ay ugu dambeyntii dib u celiyeen ciidamadu.

Saraakiisha Ciidanka Illaalada Xeebaha ayaa ka warbixiyey sida uu howl-galkaasi u dhacay, iyagoona xusay in ilaaladii saarneyd markabkaasi ay rasaas fureen, si ay xoog ugu soo gudbaan, waxayna yidhaahdeen:

“Markabkaas oo ka soo dhaqaaqay dalka Jabuuti oo jiidayey Xadhig Cable ah , wuxuu biyaheena meelo kamida ku soo galay si aan sharci ahayn oo aan laga wada-hadlin oo sharci darro ah”.

“Markabkaasi  wuxuu soo galay biyaha saddexaad iyo Biyaha labaad ee Somaliland meelo kamida. markaa Ciidanka ayaa dhowr jeer is-hortaagay, markaa wuu iska dhego mariyey amarkii Ciidanka, rasaasbaanay cirka u rideen Ciidankii Saarnaa”.

Waxayna intaas sii raaciyeen “Markaa xalay goor ay saacadihii dambe ahayd, ayaa lagu guulaystay in laga leexiyo wixii Biyaha Somaliland ah oo loo leexiyo Biyaha Caalamiga ah, markaa halkaas ayey howshu ku dhamaatay”.

“Markabkaasi kolay wuxuu u jahaystay xagga Yemen oo aanu filayno in uu qabtay, laakiin annagu waxaanu dib uga celinay xad-gudubkii uu ku soo sameeyey biyaha Dalkeena”.

Xukuumada Somaliland ayaa hore u sheegtay in Xadhigaasi ay dowladda Jabuuti badd Berbera ay marinayso, aysan wax ogolaansho ah uga soo qaadan, isla markaana aan loo ogolaan doonin badaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this