Sign in to follow this  
Deeq A.

Safiirka Mareykanka u qaabilsan Somalia oo war kasoo saaray kulamo uu Nairobi kula qaatay Deni,Axmed madoobe & Lafta-gareen

Recommended Posts

Deeq A.   

Safiirka Mareykanka u qaabilsan Somalia oo war kasoo saaray kulamo uu Nairobi kula qaatay Deni,Axmed madoobe & Lafta-gareen

deniyamomoto.jpeg?ssl=1

Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Don Yamamoto ayaa maalmahanba Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmayay qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya oo halkaas ku sugan.

Safiirka ayaa la kumay madaxweynaha Puntland, Saciid Cbadullaahi Deni, madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, madaxweynaha Koonfur Galbeed , Cabdicasiis Xassan Maxamed oo maalma kahor soo gaaray Nairobi.

Safiir Yamamoto ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka ay gacan ka geysaneyso sidii la isgu soo dhawen lahaa dowladda dhexe iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada, si looga wada shaqeeyo ammaanka iyo caqbaadaha taagan.

Safiirka ayaa sheegay in wadaxaajood ay yeeshaanlabada dhinac ay muhiim u tahay, si looga miradhaliyo ujeeddooyinka ah Soomalaiya oo ammaan iyo barwaaqo ah.

“Waa mid dadka Soomaaliyeed waa arrin ay dalbanayaan, jiillka dambena ay filayaan, hogaamiyeyaasha Soomaalidana looga fadhiyo”, ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo lagu daabacay bogga Facebook ee safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Yamamoto oo kulankii uu la qaatay Axmed Madoobe ka war bixiyay ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubaland uu kala hadlay baahida loo qabo in si degdeg ah loo soo afjaro khilaafka ka taagan Jubaland, taas badelkeedana lagu badelo xiriirka maamul goboleedyada iyo Dowladda Federaalka, dagaalka kadhanka ah ururka Al Shabaab, xoojinta iyo sidii Soomaalida ay ugu midoobi lahayd ka shaqeynta ammaanka iyo Soomaaliya oo barwaaqa noqota.

madobeyamomoto.jpeg?ssl=1

Waxaa kale oo uu safiirka fahfaahiyay kulankii uu la yeesha Saciid Deni.

“Yamamoto 23-kii bishan waxaa uu la kulmay Madaxweynaha Puntland, waxayna ka wada hadleen tagaeerada Mareykanka uu siiyo laamaha ammaanka ee Puntland, ahmiyadda ay leedahay doorasho qaran oo loo dhan yahay, in horay logu tallabsado horumarinta gobolka iyo baahidaha degdega ah ee loo qabo wadaxaajood ay yeeshaan Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada”, ayaa lagu sheegay qoraalkii kasoo baxay safaaradda.

Sidoo kale diblomaasiga ugu sareeya safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegay in markii uu la kulmay madaxweyne Lafta-gareen ay ka wada hadleen amaanka gobolka Shabeelaha hoose, wuxuuna ku booriyay in uu sii xoojiyo dedaalada uu wado ee u ku aadan mideynta dadka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Hirshabeele, Maxamed Cabdi Waare ayuu safiirka sheegay in uu sidoo kale kala hadlay sidii Mareykanka iyo Soomaaliya ay isgaa kaashan lahaayeen Al Shabaab iyo xoojinya xiriirka maamu goboleedyada iyo Dowladda Federaalka.

Waxaa dalal badan oo caalamka iyo hey’adaha caalamiga ay in muddo ah wadeen dedaalo la doonayo in lagu xalliyo khilaafka u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo Dowladda Fedeaalka.

Khilaafka u dhaxeeya maamul goboleedyada Soomaaliya qaar kamid ah iyo Dowladda dhexe ayaa ku qotom doorashooyinkii dhacay, doorahsada 2020-ka, dastuurka dhamesyirkiisa, qeybsiga kheyraadka iyo faragelin ay qaar kamid ah maamul goboleedyada ay shegeen in Dowladda Federaalka ay ku sameysay maamuladooda.

WAR-SAXAAFADEEDKA KULANKA:

safiirka-us.png

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this