Sign in to follow this  
Deeq A.

34 Ciidanka Maraykanka Ah Oo Laga Helay Dhaawacyo Dhinaca Maskaxda Ah, Ka dib Weerarkii IRAN

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka ee The Pentagon, ayaa sheegtay in 34 Ciidammadeeda ku sugan Ciraaq ka mid ah laga helay dhaawac dhinaca Maskaxda ah, ka dib markii IRAN ay weerartay Saldhigyada Maraykanka ee gudaha Ciraaq.

Wasaaradda Difaaca ee Maraykanku waxa kale oo ay sheegtay in illaa hadda baadhitaan dhinaca Maskaxda ah lagu wado 17 kale oo ka mid ah Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Ciraaq, si loo hubiyo Xaaladdooda Caafimaad, sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Pentagon.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo hore uga hadlay Weerarkii IRAN ku qaadday Saldhigyada Maraykanka ee Ciraaq, ayaa xilligaa sheegay in aanay Weerarkaas wax dhaawac ahi ka soo gaadhin Ciidammada Maraykanka.

IRAN ayaa 8-dii January ee sannadkan waxay Gantaallada Riddada dheer la beegsatay Saldhigyada Ciidammada Maraykanku ku leeyahay Ciraaq, ka dib markii duqayn diyaaradeed uu Maraykanku ku dilay Qaasim Sulaymaani oo ahaa Taliyihii Ciidammada Kacaanka IRAN, kaasi oo ku sugnaa Ciraaq.

Toddobaadkii u dambeeyay, the Pentagon ayaa sheegay in 11 ka mid ah hawl-wadeennadii Ciidanka Ciraaq laga daweeyay dhaawacyo.

Madaxweynaha Maraykanka oo la waydiiyey wuxuu ka ogyahay dhaawacyada dhinaca maskaxda ah ee Ciidammadiisa ka soo gaadhay Weerarkii IRAN, ayaa ku gaabsaday inuu jiro Madax xanuun laga helay Ciidanka, balse aanu jirin dhaawac culu

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this