Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo kala dirtay maamulkii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Cali Xassan, ayaa maanta oo Sabtiya kala diray maamulkii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha gobolka Banaadir.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in kadib markii la tashi lala sameeyay Ganacsatada gobolka Banaadir, ay soo baxeen cabashooyin xiriir ah oo ku saabsan hannaankii loo maray magacaabista maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha gobolka Banaadir, sidaasi darteedna loo kala diray.

Wareegtada ayaa lagu xusay, in sida ugu dhakhsaha badan maamul cusub loogu magacaabi doono, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha gobolka Banaadir. Magacaabista cusub waxaa ka wada tashan doona Wasaaradda Ganacsiga dowladda Federaalka, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, maamulka gobolka Banaadir iyo Ganacsatada gobolka, sida wareegtada lagu sheegay.

Kala dirista ayaa ku soo beegmatay, xilli maalmihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in ururka Al-shabaab uu saamayn xooggan ku lahaa magacaabistii maamulka la kala diray ee Rugta Ganacsiga gobolka Banaadir.

RUGTA-GANACSIGA.jpg?fit=1000%2C1347&ssl=

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo kala dirtay maamulkii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this