Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo ciidamo hor leh geysay degmada Luuq

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya inay saacadihii la soo dhaafay dowladda federaalka ciidamo dheeraad ah geysay degmada Luuq ee gobolkaasi.

Ciidamadaan oo tiradooda lagu sheegay illaa 200 oo askari ayaa lagu soo warramayaa inay fariisimo cusub ka sameysteen gudaha iyo daafaha degmadaasi.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in xiisad ka dhalatay ciidamada cusub ay ka taagan tahay qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamada daraawiishta Jubbaland ay dhankooda dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen deegaano ka mid ah gobolkaasi.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in labada dhinac uu dagaal ku dhex maro halkaasi.

Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo muddooyinkii dambe khilaaf u dhexeeyey dowladda federaalka iyo Jubbaland laga dareemayey gobolka Gedo ee K/Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this