Sign in to follow this  
Deeq A.

R/Wasaare Khayre oo tacsi u diray dowladda Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xasan Cali Khayre ayaa dowladda Turkiga uga tacsiyadeeyay dhibaatadii ka dhalatay dhul gariirkii ka dhacay gobalka Elazig ee Bariga Turkiga.

Mudane Xasan Cali Khayre oo khadka Taleefoonka kula xiriiray madaxweyne ku-xigeenka Turkiga, Fuat Oktay, ayaa u muujiyay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga tiiraayoonayaan dhibaatadii ka dhalatay dhul Gariirka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyay dadka waxyeeladdu kasoo gaatay dhul gariirka in si dhaqsa leh ay ku bogsadaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this