Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay G/Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa ka dhacay deegaanka Farlibaax oo hoos yimaada magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaankaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan illaa saddex qof oo ahaa dhinacyadii dagaalamay, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya labada dhinac laga dareemayaa duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this