Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo amar dul-dhigtay hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Kusimaha madaxweynaha, ahna madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan, ayaa amar ku bixiyay, in la hakiyo munaasabadda xil-wareejinta Xafiiska hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya u qaabilsan Puntland.

Dikreeto ka soo baxday ku simaha madaxweynaha Puntland, ayaa lagu amray agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, in uu hakiyo munaasabadda xil-wareejinta xafiiska hay’addaasi u qaabilsan Puntland.

Dikreetada ayaa laga tixraacay, qoraal ka soo baxay agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Federaalka Maxamed Aaden Koofi oo ku taariikhaysan 8-dii bishan January 2020, kaasi oo agaasime cusub loogu magacaabay xafiiska  hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda u qaabilsan degaannada Puntland.

Agaasimaha cusub ee xafiiska xafiiska  hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Federaalka u qaabilsan degaannada Puntland, ayaa loo magacaabay, Cabdullaahi Cismaan Ismaaciil, halka agaasimihii hore ee xafiiskaasina loo wareejiyay xarunta dhexe hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu ku leedahay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda xil-wareejinta, ayaa sida qorshaysan maalmaha soo socda lagu qaban lahaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Qoraalka-karaash.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Puntland oo amar dul-dhigtay hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this