Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya qarax ka dhacay Dharkenley

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari Spacio ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya, kaas oo la sheegay in loogu dhajiyey qaraxa.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga ciidamadaasi uu kula qarxay inta u dhexeysa isgoysyada Xoosh iyo Ex-Contarol Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan illaa askari oo ka tirsanaa ciidanka Milatariga ayaa ku dhintay qaraxaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya ciidamadu marka uu dhacay qaraxa waxyar kadib ay isaga dhaqaaqeen halkaasi, iyagoo qaatay Meydadka labda askari.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan qaraxaasi.

Weerarkaan loo adeegsaday qaraxa ah ayaa ku soo aadaya, iyadoo saacadihii la soo dhaafay ciidanka dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska ay howlgallo ka sameeyeen degmada Dharkenley, kuwaas looga hortagayey falalka liddi ku ah nabad gelyada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this