Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Sucuudiga Oo Beenisay In Maxamed Bin Salmaan Uu Jabsaday Telefoonka Madaxa Shirkadda Amazon

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Sucuudiga ayaa beenisay in dhaxal sugaha dalkaas, Maxamed Bin Salmaan uu ka dambeeyay dhac loo geystay xogta telefoonka madaxa shirkadda Amazon,Jeff Bezos.

20200122_171156.jpg

Farriin laga soo diray telefoon uu adeegsan jiray Maxamed Bin Salmaan ayaa loo adeegsaday in lagu jabsado telefoonka madaxa shirkadda Amazon, sida ay wararka sheegayaan.

Safaaradda Sucuudiga uu ku leeyahay Mareykanka ayaa eedeymaha ku tilmaantay ‘aarin aan macquul aheyn’ isla markaasna ku baaqday in la baadho.

Waxaa hore loo tebiyay in eedeymaha ay soo baxeen markii lala xidhiidhiyay Maxamed Bin Salmaan inuu ku lug lahaa dilkii qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul loogu geystay weriye Jamaal Khaashuqji.

Jeff Bezos waa milkiilaha shirkadda weyn ee Amazon iyo wargeyska Washington Post.

Jeff Bezos ayaa xogtiisa la dhacay markii farriin looga soo diray WhatsApp-ka Maxamed Bin Salmaan, sida uu ku warramay wargeyska The Guardian.

Safaaradda Sucuudiga uu ku leeyahay Mareykanka ayaa beenisay eedeymaha loo jeediyay Maxamed Bin Salmaan, waxay ku baaqday in la baaro arrintaas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this