Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo iska fogeysay hadalkii Danjire Guulwade

Recommended Posts

Deeq A.   

War-Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu cadeeyay in hadalkii uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) oo ka mid ahaa guddiga Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Wadahadallada dowladda feederaalka iyo Somaliland uu ahaa mid isaga gaar u ah.

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay caddeynaysaa in Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu iska casilay xubinnimadii Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.

Hadalka uu warbaahinta siiyay Danjire Guulwade waa mid kafog waaqaca aan maanta ku nool nahay, wuxuuna dhaawacayaa wadahadallada haatan loo gogol xaarayo in la isugu soo dhaweeyo dadka Soomaaliyeed ee kala irdhoobay, dibna loogu yagleelayo dowladnimo Soomaaliyeed oo loo dhanyahay.

Shacabka Somaliland waxay dhiig iyo dhaqaale ku bixiyeen sidii dalkan looga xoreyn lahaa gumeystihii kusoo duulay, iyagaana hormuud u ahaa midnimadii labada gobol. Midnimadaas kuma iman khasab iyo gacan ka hadal ee waxay ku timid wada hadal, is qancin, is-qaadasho iyo isu tanaasul.

Waxaan aad uga xunnahay hadalka danjiraha, annaga oo adkeynayna inuu yahay mid isaga u gaar ah oo aan ka turjumeynin mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kan Guddiga uu ka tirsanaa.

Danjire Guulwade ayaa hadalkaasi ku dhawaaqay, kadib wareysi gaar ah oo uu siiyey Barnaamijka Garnaqsi ee ka baxa telefishinka caalamiga ah ee Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this