Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgal burcad lagu qabtay oo laga sameeyey Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ballaaran ka sameeyey waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qab qabtay kooxo burcad ah iyo gaadiid ay dhaceen, sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha Booliska gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Jaamac Maxamed Axmed.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in raggaasi ay haatan ku xiraan xabsiga Gaalkacyo, islamarkaana laga qaadi doono tallaabo adag.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah inay ciidanka amniga kala shaqeeyaan sugida nabad gelyada, si looga hortago kooxaha burcada ee hubeysan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this