Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqa Muqdisho iyo safiirka Yurub oo daah furay mashruuc cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Mr. Nicolás Berlanga Martinez.

Kulankani ayaa ujeedkiisu ahaa dardargalinta mashaariicda horumarineed ee ka socota Caasimadda oo ay fulinayaan Midowga Yurub iyo sidii loo dar dargelin lahaa mashaariicdaas.

Kulanka kadib ayaa duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish iyo Safiirka Midowga yurub ee Soomaaliya ayaa si Wadajir ah u daahfuray mashruuca Saanqaad oo ah mashruuc cusub oo uu maamulka gobolka Banaadir ugu talagalay in lagu xoojiyo horumarinta ganacsiga cusub ee Caasimadda.

Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:

1-6.jpg 2-6.jpg 3-7.jpg 4-8.jpg 5-9.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this