Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo beeniyay in uu ka tirsanaa Fannaan Gaarrane

Recommended Posts

Deeq A.   

Malayshiyaadka Al-shabaab, ayaa beeniyay muuqaal ay baahisay hay’adda Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya, oo lagu soo bandhigay nin fannaan ah, kaasi oo qiranaya  in uu ka tirsanaa Al-shabaab.

Sarkaal sare oo u hadlay Al-shabaab ,ayaa laga soo xigtay in fannaanka lagu magacaabo Abshir Gaarrane Axmed, oo ay soo bandhigtay hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka ee NISA uusan wax xiriir ah la lahayn dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

Hadalka Al-shabaab ayaa ku soo beegmaya, xilli shalay Muuqaal kooban oo la soo geliyay barta Twitter-ka NISA ,uu ka soo  muuqday Abshir Gaarane oo qiranaya inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab.

Abshir Gaarrane ayaa muuqaalkaasi ka sheegay, in uu Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2013, isla markaana u qaabilsanaa Basaasnimada iyo Maaliyadda.

Fannaanka ayaa sidoo kale ka tirsanaa waaxda Fanka ee gobolka Banaadir, ka hor inta aan la xirin todobaadkii tegay, kadib markii lagu tuhmay in uu ka tirsanyahay malayshiyaadka Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo beeniyay in uu ka tirsanaa Fannaan Gaarrane appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this