Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubin ka tirsanaa Guddiga Wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland oo la casilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay in Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu iska casilay xubinnimadii Guddiga Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia, ayaa sidoo kale lagu sheegay in  Hadalka uu warbaahinta siiyay Danjire Guulwade uu ahaa mid kafog waaqaca aan maanta ku nool nahay, islamarkaana dhaawacayaa wadahadallada haatan loo gogol xaarayo in la isugu soo dhaweeyo dadka Soomaaliyeed ee kala irdhoobay, dibna loogu yagleelayo dowladnimo Soomaaliyeed oo loo dhanyahay.

Danjire Guul-wade ayaa saacadihii la soo dhaafay warbaahinta ka sheegay in Xasuuqii dowladda Kacaanka ee Gen Maxamed Siyaad Barre u gaysatay Shacabka magaalada Hargeysa uu ahaa mid ay ku saxnayd oo lagu badbaadinayay Midnimada iyo Wadajirka Soomaaliya.

Shacabka Somaliland waxay dhiig iyo dhaqaale ku bixiyeen sidii dalkan looga xoreyn lahaa gumeystihii kusoo duulay, iyagaana hormuud u ahaa midnimadii labada gobol. Midnimadaas kuma iman khasab iyo gacan ka hadal ee waxay ku timid wada hadal, is qancin, is-qaadasho iyo isu tanaasul” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Waxaan aad uga xunnahay hadalka danjiraha, annaga oo adkeynayna inuu yahay mid isaga u gaar ah oo aan ka turjumeynin mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kan Guddiga uu ka tirsanaa” ayaa la sii raaciyay Qoraalka Villa Somalia.

PUNTLAND POST

The post Xubin ka tirsanaa Guddiga Wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland oo la casilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this