Sign in to follow this  
Deeq A.

Ahlu Sunna oo soo saartay jadwalka doorashada Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Guddiga doorashada Galmudug, garabka Ahlusunna Waljamaaca ayaa soo saaray Jadwalka Doorashada Madaxwaynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.

Guddiga ayaa sheegay in 23-24 January la qabanayo araajida musharixiinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

25-28 January ayey guddiga sheegeen inay ku diyaar garoobayaan musharixiinta si ay u sameeyaan ololahooda.

29 January ayaa lagu sheegay waraaqda kasoo baxday Guddiga Doorashada Galmudug garabka Ahlu Sunna inay noqon doonto Maalinta la dhageysanayo khudbadaha musharixiinta halka Maalinta xigta ee 30 january la dhageysan doono musharixiinta madaxweyne ku xigeenada.

Ugu dambeyntii Guddiga ayaa sheegay in 5 February oo ku beegan maalin Arbaco ah la qaban doono doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenada Galmudug.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli Shalay Guddiga doorashada Galmudug garabka Dowladda Soomaaliya ay soo saareen shuruudaha iyo jadawalka Doorashada Galmudug kadib markii la isku khilaafay cidda guddoomiye u noqoneyso guddigaas.

Xiisadda u dhaxeyso Ahlu Sunna iyo Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale meel sare gaartay, waxayna Galmudug marti gelin kartaa doorashada illaa seddex madaxweyne maadaama Madaxweyne Xaaf uu isna Gaalkacyo ka wado dhismaha Galmudug.

Halkaan hoose ka akhriso jadwalka Doorashada Galmudug ee Ahlu Sunna

 

82627197_515198106061763_216096583380998

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this