Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxtooyada Soomaaliya oo iska fogeysay hadalkii kasoo yeeray Cabdiraxmaan Guulwade

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa iska fogeysay hadal kasoo baxay Jeneral Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade), oo uu ku sheegay sheegay inuu sax ahaa duulaankii dowladdii Kacaankii aheyd ku qaaday Gobolada Waqooyi ee hadda la baxay Somaliland, kaasi oo shacab badan lagu xasuuqay.

Jen. C/raxmaan Cabdi Xuseen Guulwade ayaa ka mid ah Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo ee Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

Hase yeeshee qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Danjire Cabdiraxmaan Guulwade uu iska casilay xubinnimadii Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.

“Hadalka uu warbaahinta siiyay Danjire Guulwade waa mid kafog waaqaca aan maanta ku nool nahay, wuxuuna dhaawacayaa wadahadallada haatan loo gogol xaarayo in la isugu soo dhaweeyo dadka Soomaaliyeed ee kala irdhoobay, dibna loogu yagleelayo dowladnimo Soomaaliyeed oo loo dhanyahay.” Ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

“Shacabka Somaliland waxay dhiig iyo dhaqaale ku bixiyeen sidii dalkan looga xoreyn lahaa gumeystihii kusoo duulay, iyagaana hormuud u ahaa midnimadii labada gobol. Midnimadaas kuma iman khasab iyo gacan ka hadal ee waxay ku timid wada hadal, is qancin, is-qaadasho iyo isu tanaasul.”

Qoraalka ayaa intaaas ku daray “Waxaan aad uga xunnahay hadalka danjiraha, annaga oo adkeynayna inuu yahay mid isaga u gaar ah oo aan ka turjumeynin mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kan Guddiga uu ka tirsanaa.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this