Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal Sare Oo Ajinabi Ah Kaasoo Ka Tirsanaa Xarrakada Alshabaab Oo Isku Dhiibay Dowladda Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Mid ka mid ah dagaalyahannada ajaanibta ah ee ka dhinac dagaallami jiray Xarrakada Alshabaab ayaa sheegay inuu ka baxsaday Xarrakada islamarkaana uu hadda ku sugan yahay magaalada Muqdisho isagoo isku dhiibay Dowladda Soomaaliya.

Zubair Al-Muhajir ayaa kasoo safray magaalada London ee dalka Ingiriiska si uu ugu biiro Alshabaab sannadkii 2006dii. Xilal badan ayuu kasoo qabtay Alshabaab isagoo ugu dambeyn noqday xubin ka tirsan golaha shuurada ee Xarrakada Alshabaab oo ah gole culumo ah.

Al-Muhajir oo asalkiisu kasoo jeedo dalka Ivory Coast ayaa u sheegay saxaafadda inuu isaga baxay Alshabaab sannadkii 2013 markii ciidamada Amniyaadka ay xireen oo ay xabsi dhigeen muddo saddex sano ah.

“Waan ka baxsaday maxaayeelay Alshabaab waxay ka been-sheegayaan Muslimiinta iyo adduunka ,” ayuu yiri. “Waxay sheeganayaan inay fulinayaan sharciga Islaamka taasoo aan run ka ahayn maxaayeelay waxaan ogahay ficillada ay sameeyaan ee ka dhanka ah shareecada,”

Wuxuu sheegay in kooxdu u adeegsato shareecada inay ku qiyaanto dadka, ku dhibaateeyaan beenna u sheegaan,”

“Xaqiiqada ficilladooda gebi-ahaanba waxay kasoo horjeedaan shareecada, waxay dilayaan dad aan waxba galabsan waxayna been u sheegayaan dadka,” ayuu yiri Muhajir.

Sannadkii 2011, Al-Muhajir wuxuu ahaa madaxa guddi ay Alshabaab magacaabeen si ay u dhexdhexaadiyaan muran u dhaxeeyey hoggaamiyihii geeriyooday ee Axmed Cabdi Godane iyo saddex taliye oo kale, Waa Ibrahim Al-Afghani, Muqtar Robow iyo Fu’ad Maxamed Khalaf.

Xilligaas Alshabaab waxay xireen tiro kale oo taliyeyaal ah iyo shaqsiyaad looga shakiyey inay kasoo horjeedeen Godane. Zubair Al-Muhajir wuxuu sheegay inuu ka mid ahaa dadka la xiray.

Al-Muhajir wuxuu sheegay in ka hor baxsashadiisa bishii October 2019 Alshabaab ay soo booqdeen dukaan yar oo uu ku lahaa Galhareri oo ay weydiiyeen inuu bixiyo Zako. Wuxuu u sheegay inuu diyaar la yahay bixinta Zakada laakiin uusan awoodin Zakada.

“Muran ayaa na dhexmaray ku saabsan bixinta Zakada iyo canshuurta,” ayuu yiri. “Waxaan u sheegay haddii ay rabaan inay iga qaadaan canshuur inaanan diyaar u ahayn inaan siiyo sababtoo ah haddii ay iga doonayaan zako anigu kama mid ahi dadka bixiya zakada.”

Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu baaqday inay siineyso magangelyo dadka kasoo baxsanaya Xarrakada Alshabaab inta ay ka tanaasulayaan figradaha xagjirka ah.

Al-Muhajir wuxuu sheegay inuu markii hore u tagey hawlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM ee saldhigga ku leh garoonka Muqdisho. Hadda wuxuu ku jiraa meel amaan ah oo Dowladda Soomaaliya ay gacanta ku hayso. Wuxuu sheegay inuu wali ka war sugayo barnaamijka ay Dowladda Soomaaliya la dooneyso.“

 

VOA.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this