Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub oo ka hor-yimid xukunadii dil ee ay Somaliland shalay fulisay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Midowga Yurub ayaa si adag uga hor-yimid xukuno dil ah oo shalay ay fulisay Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi.

Nicolas Berlanga Martinez, Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa war ka soo saaray xukunadii dilka ahaa ee ay Somaliland ku fulisay Lix maxbuus oo ku xirnaa xabsiga weyn ee Mandheera.

Nicolas ayaa sheegay in Midowga Yurub uu si adag uga soo horjeedo xukunada dilka ah ee qisaasta, kaasi oo lagu fuliyo dadka geysta dilalka ee lagu heshiiyo in loo dilo dambiilaha.

Safiirka ayaa arrimahaasi kaga hadlay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, kaasi oo u dhigna sidan “Amniga, Doorashooyinka, Dayn cafinta, sharciga oo lagu dhaqmo, horumarka… dhammaanteen waan ognahay tirada dhibaatooyinkaas si loo soo afjaro”.

Wuxuuna intaas kusii daray Safiirku “Midowga Yurub wuxuu meel adag ka taagan yahay oo uu ka soo horjeedaa mabda’ ahaanba qisaasta mar walba”.

Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shalay xukuno dil toogasho ah ku fulisay Lix maxbuus oo ay sheegtay inay hore u geysteen dilal kala duwan, isla markaana ay maxkamadi ku xukuntay dil toogasho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this