Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog cusub: Doorashada Galmudug oo ay dhici karto in looga adkaado dowlada

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka soconaya loolan xoogan oo siyaasadeed, kaasoo looga soo horjeedo Dowladda Federaalka Somaliya, oo iyadu wadato musharax ay la dooneyso inuu ku soo baxo Doorashada Xafiiska Madaxtooyada Galmudug.

Villa Somalia ayaa toddobadyadii la soo dhaafay muujisay xusulduubka ay ugu jirto inay kaalin muuqato ku yeelato maamulka cusub ee lagu wado in loo yegleelo bulshada reer Galmudug, xilli eedeymaha loo jeedinayo ee ku aadan fara-gelinta qaawan ay maamulkan ku hayso, ay noqdeen kuwo isa soo taraya.

Villa Somalia ayaa waxay wadataa Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), iyadoona muruq iyo maal badanba ku bixisay, sidii uu ninkaasi ugu guuleysan lahaa jegada Madaxweynaha xigga ee Maamulka Galmudug.

Wakiilada metelaya Siyaasiyiinta Xisbiyada KMG ee dalka ka jira ayaa waxay Magaalada Dhuusamareeb ka wadaan kulamo liddi ku ah dadaalada, ay Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ugu cadaadinayan Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, sidii ay u soo dooran lahaayen musharaxiinta ay gadaal ka taagan tahay dowladda.

Kulamadan ayaa waxaa qayb ka ah kuwo kale oo Odayaasha Dhaqanka ka wadaan Xarunta Maamulka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb, odayaashu ayaana mooddaa inay ku soo baraarugeen fara-gelinta baahsan, ee wiiqday dhismaha maamulkan.

Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka ee ka soo jeeda Gobolada Dhexe ayaa wada abaabul ka dhan ah musharaxa laga soo abaabulay Villa Somalia, loona wado Madaxtooyada Galmudug, ka dib markii ay arkayn sida aanay Dowladda Federaalka dhexdhexaadka uga ahayn doorashada markii ugu horeysay lagu qabanayo Dhuusamareeb.

Inta badan Odayaasha Dhaqanka Galmudug ayaa waxay u muuqdaan kuwo ka soo horjeeda gacan bidixeenta lagu hayo in la dhiso Galmudug la wada leeyahay. Sida la soo warinayo waxay Xildhibaanada ku qancinayan in la badbaadiyo Galmudug.

Odayaasha Dhaqanka Galmudug ayaa mar sii horeysay waxay Madaxda Qaranka ku dhaliileen inaanay ahayn kuwa dam-qabanaya dheg xumida xargaha goysatay, ee ka soo yeeraysa Magaalada Dhuusamareeb.

Nabadoono uu ka mid yahay Nabadoon Maxamed Xaashi ayaa waxay ka diggeen in Galmudug ay marto wadadii saddex iyo toban bilood ka hor martay doorashadii Koonfur Galbeed, taasoo lagu soo doortay madaxweyne ku shaqeeya afkaarta Villa Somalia.

Ahlu Sunada Gobolada Dhexe ka dhisan oo muddooyinkanba ay is hayeen Villa Somalia ayaa toddobadkan bilowday barnaamij ay gacan-saar kula yeelanayso dhinacyada hardanka culus kula jira Dowladda Dhexe, waxaana hadafkeeda lagu sheegay, sidii jaanta dowladda looga reebi lahaa jidka lagu gaarayo Xafiiska Madaxtooyada Galmudug.

Arbacadii ayaa waxaa Magaalada Dhuusamareeb ku midoobey musharaxiinta kala ah Cabdullaahi Wehliye Faarax, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) iyo Kamaal Daahir Guutaale, ka dib markii ay xaqiiqsadeen in Villa Somalia ay ka go’an tahay inuu doorashadan ku soo baxo Qoor Qoor.

Waxaa xusid mudan haweenka Galmudug oo ka careysan in aanan Baarlamaanka Galmudug laga siinin qoondadii haweenka ee ahayd boqolkiiba soddon (30%) ay qayb ka yihiin qorshaha lagu doonayo in lagu curyaamiyo damaca Villa Somalia iyo musharaxeedaba.

Iyadoo aad arki karto sida ay Dowladda Somaliya ugu dhex-milantay geedi-socodka doorashada Galmudug ayaa waxaan dhanka kale la difiri karin culeyska muuqdo kaga soo wajahan dhinacyada aan ku aragtida ahayn siyaasadda dalka.

Markaad si dhow u daraareyso dagaalka siyaasadeed ee ka soconaya Magaalada Dhuusamareeb iyo dhinacyada kala duwan ee ku lugta leh ayaa bayaansan kartaa in loolankan ay dhici karto in looga adkaado Dowladda Federaalka.

Si kastaba ha-ahaatee bulshada reer Galmudug iyo beesha caalamkaba oo doorkoodu uu ku soo uruuray inay indhaha uun ka daawadan waxa ka soconaya Dhuusamareeb ayaa dhanka kale la dhacsanayn hardanka ay dowladdu ka oogtay Xarunta Gobolka Galgaduud, sidoo kalena waxaa la dhihi karaa waa kuwo ku taamaya inaysan natiijada doorashadu noqon mid rabitaan-gelisa aqalka dalka looga arrimiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this