Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaafkii ka jiray Guddoomiyaha Bankiga Puntland oo la dhameeyey

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1579175771345.jpg?w=1000&ssl=1

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan labadiisa ku xigeeen ayaa maanta kulan la qaatay Gudoomiyaha cusub ee Bankiga Puntland Abdirisaaq Warsame Seeraar iyo Gudoomiyihii hore Cabdi ismaaciil Boos.

Inkastoo aan war rasmi ah ka soo bixin kulanka ayaa hadana warar hoose oo ay heshay Puntland Post sheegayaan in la dhameeyey khilaafkii ka taagaa Guddoomiyaha Bankiga Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in Cabdi ismaaciil Boos oo shalay sharci darro ku tilmaamay magaacaabida Guddoomiyaha cusub ee Bankiga Puntland uu haatan ogolaaday in uu xilka ku wareejiyo.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dhameynta khilaafkan uu qeyb ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash.

PUNTLAND POST

The post Khilaafkii ka jiray Guddoomiyaha Bankiga Puntland oo la dhameeyey appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this