Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynayaasha Puntland Jubaland iyo Galmudug oo Beesha Caalamka kula shiraya Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta oo Khamiis ah gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Madaxweynaha Jubaland markii uu gaaray magaalada Boosaaso, waxa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo uu hoggaaminayo madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa isna la filayaa in uu maalmaha soo socda gaaro magaalada Boosaaso, halkaasi oo ay kulan xasaasiya ku yeelan doonaan saddexdaasi madaxweyne iyo wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Madaxweynayaasha Puntland, Jubaland iyo Galmudug ayaa wakiillada ka socda Beesha Caalamka, waxay kala xaajoon doonaan qodoba ku saabsan doorashada Soomaaliya ee 2020/2021 iyo khilaafka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynayaasha Puntland Jubaland iyo Galmudug oo Beesha Caalamka kula shiraya Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this