Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan Ku Saabsan Xiisadda Webiga Nile Oo Ka Dhacay Washington

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in Wasiirada Arrimaha Dibadda ee saddexda waddan ee Masar, Ethiopia, iyo Sudan, kuwaas oo ay weheliyaan Wasiirka Maaliyadda Maraykanka iyo Madaxa Bangiga Adduunka ay kulan ku yeesheen magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka.

21a9e60c-efed-4224-a1fa-dc74d94e2697_cx0

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in kulanka oo soo bilaamay 13-kii bishan uu Arbacadii shalay soo gababoobay.

Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii xal loogu heli xiisadda webiga Nile ee ka dhalatay biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya ay ka sameyneyso webiga, kaasi oo dalalka kale ee webiga uu maro ay diidaan yihiin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this