Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxii qaraxyada Al-Shabaab ‘oo lagu dilay’ Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wanlaweyn (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan cidiamada kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa sheegay inay howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen walanweeyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen madaxii qaraxyada Al-Shabaab ee gobolkaas.

Taliyaha guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik ayaa sheegay in ninkaasi oo lagu magacaabi jirey Maxamed Cismaan Xuseen Buluush uu ka hor inta aan la toogan uu la soo baxay qori AK47, isla markaana uu la dagaalamay ciidamada.

Waxa uu sidoo kale sheegay in u jeedka howlgalka loo fuliyey uu ahaa in ay soo qabtaan, hase yeeshee markii uu ciidamada la dagaalamey ay toogteen.

Wararka laga haleyo degmada Walanweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in howlgalkaan uu dhacay saqdii dhexe ee xalay, islamarkaana si weyn looga dareemay magaaladaas.

Maxmed Xuseen Cismaan Buluush ayaa wuxuu badalay Maxamed Siidoow oo 28 December 2019 lagu dilay duqeeyn ka dhacday Tuulada Caliyoow Baroow, sida uu sheegay Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik.

Ma jiro wx war ah oo dhankooda kasoo baxay Al-Shabaab, oo ku aadan warkaan kasoo baxay dowladda ee lagu sheegay in howlgal lagu diley madaxii qaraxyada Al-Shabaab ee gobolka Shabellaha Hoose.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ah halka ugu badan ee lagu soo diyaariyo baabuurta qaraxyada ee lagu soo weeraro magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this