Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa u dooran lahayd in uu gudoomiyaha baarlamanka Galmudug noqdo?(Codeyn)

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Waxaa gebo gebo maraya loolanka loogu jiro xilalka sare ee Galmudug, ayada oo lagu wado in labada musharax ee kala ah Cabdinasir Adan Cusman iyo Dr. Maxamed Gacal ay ku loolamaan xilka guddoomiyaha baarlamanka.

Shabakada somalielections.com ayaa soo saartay xog uruurin shacabka Soomaaliyeed fursad loo siinayo in ay qaabka online ka ah ku codeeyaan isla markaana ku muujiyaan dareenkooda shaqsiga ay isleeyihiin wuu ku habboon yahay qabashada hoggaanka Baarlabaanka Galmudug.

Si looga hortago in la musuqmaasuqo doorashada, waa muhiim in shacabka leeyahay cod isla markaana qofka qabanaya ama la is  leeyahay wuu ku guuleysan karaa doorashada uu ku yimaado rabitaanka shacabka, waa hubaal in xildhibaano gaar ah ay dooran doonaan hoggaanka, balse waxaa muhiim ah in la tixgeliyo rabitaanka shacabka.

Somali Election iyo Caasimada Online waxay u istaagteen in ay siiyaan fursad shacabka ay ku muujiyaan shucuurtooda kuna dhiibtaan codkooda iyagoo isticmaalya aalad ay ku dooran karaan shaqsiga ay u arkaan in uu ku habboon yahay qabashada xilka hoggaanka Baarlabaanka Galmudug. Natiijada kasoo baxdo codeynta onlinka ah, waxaan idiin soo gudbin doonaa maalinta Jimcaha ee ay taariikhdu tahay bisha September ay tahay 17, Janaayo 2020

Halka hoose ka codee (RIIX)  Fadlan xusuusnow qof walba waxaa uu codeyn karaa hal mar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this