Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Reer Qashqashaad

Recommended Posts

Xasan Sh. Maxamuud's former right hand man is congratulating madaxweynaha cusub. He knows the winds of change are not stoppable.

Cabdikariim Guuleed oo u hambalyeeyey Qoorqoor

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Galmudug Siyaasiga Cabdi Kariim Xuseen guuleed ayaa hambalyo u direy Madaxweynaah Cusub ee loo doortey Madaxweynaha Galmudug ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Qoraal uu soo dhigey Bartiisa facebook ayuu ku sheegay in uu rajeynayo in uu Qoorqoor ahmiyadda ugu horeysa ka dhigo dib u heshiisiinta iyo mideynta Galmudug.

“Hambalyo madaxweynaha cusub ee dowlad gobaleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), waxaan kuu rajeynayaa in Allah kuu fududeeyo xilka culus ee aad qabatay. Waxaan rajeynayaa in hogaanka cusub uu ahmiyadda ugu horeysa ka dhigo dib u heshiisiinta iyo mideynta Galmudug.

Marka lag soo tago Hambalyada uu u jeediyey madaxweynihii hore ee galmudug madaxweynaha Cusub ee loo doortey maamulkaas ayaa waxaa jira siyaasiyiin iyo Xildhibaano dhaliilsan doorshadaas.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qoorqoor: Sharaf bey ii tahay inaan xiriir la leeyahay madaxda DF Soomaaliya

Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa ka hadlay doorashadii uu maanta ku soo baxay iyo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan deegaanada uu ka arimiyo maamulka hoggaankiisa loo doortay.

Qoor-Qoor oo la hadlay VOA ayaa ugu horeyn waxa uu sheegay in doorashadiisu ay aheyd mid u dhacday si xor ah, muddo dheerna loo diyaar garoobayey.

Mar wax laga weydiiyey tuhunka jira ee ah in dowladdu wadatay oo ay uga xaglisay musharaxiintii kale, ayaa waxa uu sheegay in uu ku faanayo xeriirka iyo wada shaqeynta kala dhexeysa madaxda dowladda federaalka, isla markaana uu ku faanayo.

“Anigu inaan xilkan isku soo sharaxo xaqbaan u leeyahay sanad iyo wax ka badan ayaana musharax ahaa, inaan dowladda xiriir iyo wada shaqeyn la leeyahayna sharaf ayey ii taha, anigu maahi dadka khilaafka iyo khalalaasaha ka shaqeeya, mar walba in dowladnimada Soomaaliya horay loo sii wado ayaan ka shaqeeyaa” ayuu yiri madaxweynaha cusub ee Galmudug.

Sidoo kale waxa uu sheegay madaxweyne Qoor-Qoor in khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Galmudug uu xalkiisa raadin doono, qolo kasta oo wax tabanaysana uu meeshooda ugu tagi doono.

Qoor-Qoor ayaa sidoo kale cid kasta oo tabasho qabta ka dalbaday inay soo fariistaan miiska wada hadalka, isagoo balan qaaday in uu xali doono tabashadooda.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo ka mid ahaa musharaxiin afar ah oo maanta u tartantay xilka madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa ku soo baxay doorasho socotay wax ka yar 30 daqiiqo, waxuuna helay 66 cod oo ka mid ah codadka 77 xildhibaan oo kulanka soo xaadirtay.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jecliyaa calaacalka tuugaan xildhibaan ku sheega ah oo ciyaal faay cali ka tirsanaan jiray sida la yiri. Mahad Salaad bartiisa Feysbuug wuxuu soo dhigay qoraalkaan wada beenta miiran:

Muddo 72 sanadood ah dowlada Maraykanka kama shaqayn maslaxada dadka iyo dowladnimada Soomaaliya!


1. 1948 markii Maraykanka uu yimid Soomaaliya wuxuu u ololeynayay in Soomaaliya gacantii gumeystaha Talyaaniga aysan ka bixin.


2. 1960 markii xorriyada aan qaadanay Soomaaliya wuxuu kala dagaalamay in ay dhisato ciidan qaran oo amnigeeda suga, xuduudaheedana ilaaliya, si Itoobiya u noqoto quwadda kaliya ee Geeska Afrika ka jirta. Waana sababtii Soomaaliya ku riixday in ay aado dhinacii Midowga Sofiyeeti.


3. 1977 markii dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya uu bilowday Maraykanka wuxuu ka shaqeeyay in khubaradii Ruushka ee gacan siinayay ciidamada Soomaaliya la cayriyo, si loo fashiliyo guulihii ciidamada Soomaaliya ka gaareen dagaalkii Itoobiya. Waana sababtii ugu wayneed ee horseeday guuldaradii Soomaaliya kasoo hoysay dagaalkaas, sababtoo Ruushka wuxuu hayay istaratiijiyada dagaal ee ciidamada Soomaaliya ku dagaal galayeen.


4. 1977 - 1990 guuldaradii dagaalkii Itoobiya laga dhexlay iyo jabhadihii ku kacay xukunkii Maxamed Siyaad Bare markii ay isbiirsadeen Maraykanka waxay Siyaad Bare siiyeen hubkii dadka iyo dowladnimada Soomaaliya lagu baabi’iyay. Shacabkii hubkaas lagu xasuuqay waxaa ka mid ahaa shacabka reer Somaliland.


5. 1991 Maraykanku wuxuu taageeray jabhadihii Soomaaliya qabsaday, si loo burburiyo intii ka hartay dowladnimada Soomaaliya, dalkiina cad-cad ayuu u qaybiyay.


6. 1992 - 1994 markii ciidamada Maraykanka yimaadeen gudaha Soomaaliya waxay ku dhex milmeen is riix-riixii qabiilada dhexdooda ahaa waxayna dagaal ay ku jabeen la galeen kacdoonkii uu hoggaaminayay AUN Gen. Maxamed Faarax Caydiid.


7. 1994 - 2009 mudadii u dhaxeysay Maraykanka waxay taageereen hoggaamiye kooxeedyadii Koonfurta Soomaaliya kajiray. Markii Maxkamadaha Islaamiga ah meesha ka saareena waxay ka shaqeeyeen in ciidamada Itoobiya ay soo galaan Soomaaliya lana dagaalamaan wadaadadii ka arriminayay Koonfurta Soomaaliya. Waxaana dagaalkaas ku naf waayay kumanaan Soomaali ah.


72 sanadood kadib maanta waad aragtaan siyaasada gurracan ee dowlada Maraykanka kula dhaqmayso guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug iyo gaboodfallada Safiirka Maraykanka Amb Donald Yamamoto ku gacan siinayo nidaamka Farmaajo ee Kaligii Taliska ah.
Ugu danbeyntii waxaan ugu baaqayaa dadka reer Galmudug in ay gacmaha isqabsadaan una midoobaan sidii ay uga hortagi lahaayeen siyaasada ma dhalayska ah ee Maraykanka hormuudka ka yahay ee lagula dagaalayo dadka reer Galmudug. Waanan ka guuleysanaynaa inshaa’allah sidii marar badan aan uga guuleysanay iyaga iyo kuwa ay ku shaqeystanba.

Mahadsanidiin.

___________________

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yuusuf Garaad Cumar oo taageeray mid ka mid ah maamullada Galmudug

Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa sheegay in ay jiraan sababo badan oo lagu dhaliili karo, laguna diidi karo doorashadii Madaxweyne Qoor-Qoor, balse dantu ay ku jirto in la aqbalo.

Qoor Qoor ayaa ka mid ah saddex madaxweyne oo Galmudug sheegta, waxaana labada kala ay kala yihiin Axmed Ducaale Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir.

Yuusuf Garaad oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in ay muhiimaddu  tahay maamul ay aqoonsantahay dowladda dhexe.

Ex wasiir Yuusuf Garaad ayaa xubnaha la doortay ugu baaqay in aysan dib ugu soo laaban guryahoodii Muqdisho, balse ay gutaan howlaha shaqo ee hor yaalla.

“Waxaan ugu baaqayaa in la heshiinta xoogagga Gobolka la jooga iyo isu soo celinta Baarlamaanka aanay marti uga noqon kana sugin cid kale” Ayuu yiri.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran

Doorashada GalMudug sababo badan oo lagu dhaliili karo ayaa muuqda. Xataa kuwo lagu diidi karo waa jiraan.

Haddana, aragtideyda, danta guud waxay ku jirtaa in maamulka uu Federaalku aqoonsan yahay ee ay Hoggaamiyaan Madaxweyne Qoorqoor iyo Guddoomiye Gacal iyo ku xigeennadooda lala shaqeeyo, lagana shaqeysiiyo.

Labada mas’uul iyo Golaha Baarlamaanka waxaan ugu baaqayaa in aanay ismahadin oo aanay intaan libin ka dhigan. Libintu waxay ku jirtaa in horumar la gaaro oo howl wanaagsan ay qabsoonto taas oo ku xiran in wadashaqeyn laga helo inta kale intooda badan.

Waxaan ugu baaqayaa in la heshiinta xoogagga Gobolka la jooga iyo isu soo celinta Baarlamaanka aanay marti uga noqon kana sugin cid kale.

Waxaa rajeynayaa in aanay dayaarado soo raacin oo aanay ku soo laaban guryahooda Muqdisho inta ay xilka hayaan, marka laga reebo maalmo kooban oo safar shaqo ama fasax ah.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

How many times did this Xaaf dude $$ loo laabay? Ma dhargo miyaa?

Xaaf oo lagu qancinayo in uu ka qeyb galo caleemosaarka Axmed Qoorqoor

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay wada-hadal hoose kula jirto Axmed Ducaalle Xaaf, oo weli ku adkaysanaya inuu yahay madaxweynaha Galmudug.

Wada-hadalladan oo soo socday dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa la sheegay in ay meel wanaagsan marayaan, islamarkaana ay suurtagal tahay in Xaaf uu ka qeyb galo caleema-saarka madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, haddii lagu heshiiyo.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegay inay wadahadalkaan ay ka qeyb qaateen ayaga iyo siyaasiin kale, waxaana la sheegayaa in Madaxweyne Xaaf loo balan qaaday lacag boqolaal kun oo dollar ah.

Wararka ayaa sheegayaa in laba boqol oo kun oo dollar ay ku bixi doonto xalinta Xaaf halka warar kale ay sheegayaan in ay ka badan tahay.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda la shaaciyo xiliga ay dhaceyso xafladda caleema saarka ah ee Madaxweyne Qoor Qoor, taas oo ay ka qeyb geli doonaan madax badan sida la filayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa wado dadaalo ay ku soo afjareyso tabashada Xaaf, halka wararku ay sheegayaan in dowladu ay sheegtay in aysan wax wadahadal dambe ah la geli doonin Ahlu-Sunna oo ay ku eedeeyeen in ay qal qal ka abuurayaan Galmudug.

Dowladda ayaa la rumeysan yahay inay cadaadis kala kulmeyso dowladda Mareykanka oo dooneysa in Xaaf la qanciyo, six al buuxa loo gaaro.

Madaxweyne Xaaf ayaa dhowr jeer heshiis la galay dowladda Soomaaliya hase yeeshee waxaa jirtay in heshiisyadaas markii dambe ay ku dhamaadeen natiijo la’aan, sida uu warbaahinta ka sheegay Madaxweyne Xaaf.

Haddii dowladda ay ku guuleysato in Xaaf uu ka qeyb-galo caleemo-saarka, waxay sharciyad weyn siin doontaa Qoor Qoor, oo lagu doortay doorasho ay dowladda afduubatay.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.