Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Reer Qashqashaad

Recommended Posts

galbeedi   

Mr. Gooni,

Hawshan waxa gacanta ku hays Raisul Wasaare Hassan Khayre. 

WAxaanu ogsoonahay in uu xagaagii la soo dhaafay bil iyo wax ka badan joogay dhuusamareeb isagoo ku guda jira hawshan. Arrintani waxay qaawinaysaa ama ay daaha ka faydaysaa kartidii lagu sheegayey Khayre ee ahgayd in uu yahay ni karti iyo wax qabad leh.

Sanad ku dhawaad haddi uu samayn kari waayo dawlad loo dhan yahay eeda dadka reer Galmudug  ma leh ee Khayre iyo xukuumadiisa ayaa iska leh.

Remember despite its dysfunction and quarrelsome attitude of the Galmudug community, they  had a quasi functioning state. Of course Xaaf had involved with  illegal activities to help UAE interfere with Somalia, yet when he was elected , he was somehow the unified leader of Galmudug,

The people of Galmudug had a government and leader based in Cadaado. It was the federal government that helped dismantle Xaaf through the parliament speaker and others. Now, the question is:

 

Dawladii Galmudugna waa la dumiyey mid kalena waa la dhisi kari laayahay wax aqliga galaya ma ahan. Haddii ay maanta laba dawladood meeshaa ka samaysmaan eeda waxa iska leh Khayre. Waa run Farmaajo ayaa madaxweyne ah laakiin waxaan ka dheregsanahay in Khayre iyo Wasiirka arrimaha guduhu ay hawshii qaranka u hayeen ay  u joojiyeen dhisida Galmudug. 

WAxaad ogsoonaataan haddi Khayre ku fashilmo dhisida dawlad loo dhan yahay oo Galmudug ah in uu aysa suurta gal ahayn in uu yidhaahdo waxaan u tartamayaa oo Madaxweyne. Ninkii Adhiga soo xerayn waayey geela loo diri maayo.

 

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   
3 minutes ago, Apophis said:

Galmudug is Farmajo’s waterloo and we support anyone who derails their evil plans for the republic

Why drag this on Farmaajo.

It is squarely on KHayre. He made this a HAG project. Hawshan reerka ayaa dhamaysanaya ayaa la yidhi Farmaajo banaanka ayuu ka jooga.

Why not anyone is talking about the so called interior minister who lives and breaths Galmudug for more than a year? what else this Sabriye guy done for the last two and half years.

image.png.5d3e71f4a5c90f05fac33c59bae73a94.png

 

They are playing games. Xageed Ku Aragtay shir aan dhmaanayn?

Besides, they sidelined completely the most influential Galmudug community who should be their natural leaders.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Apophis,

you did not understand my point. When I say he is running for president I mean Khayre. There is rumor that khayre will be running against his own oresident

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Galbeedi
Ilmahan waa habaw asagaa u baahan in  reerkiisii loo geeyo,
Adeerkiis axmed madoobe yuu soomaali oo dhan ka yaqaan dal iyo dadba.

Arintu farmaajo iyo khayre ma'ahan aragtidayda

Arintu waxa ku taxaluqdaa (Nadaam)
Waana mushkilada koowaad oo reer gal-mudug haysata.

Waxaan kuu shagayo kaftan iyo cay midna ma'aha waligaa khalad ha iga fahmin.

Reer gal mudug waxa ay ku heshiin karaan oo kaliya waa  (isbaaro) iyo jufooyinka sidee loogu qaybiyaa.

Been kuu sheegi maayee hal maalin gelinkeed bay ku kala tuuri lahaayeen, faataxadana isugu mari lahaayeen.

Nadaamkuna wuxuu ka hor imaanayaa isbaarada suuqa-madaw burcad badeedka doollarka madaw dadka layska dilo iwm.

Ama farmaajo ha tago ama khayre haka hor maro, haday gal mudug intay heshiiyaan horay isu raacaan waxaan kuu sheego dib dambe ha u akhrin.

Deegaanada soomaalida dhamaantiis cuqubo badan yaa  laga goynayaa walaal, waana dambi ay horay u galeen.

Qaar cuqdad yaa lagu saladay oo dad xanuusan bay daawo ka doonayaan.

Qaar caqli xumo yaa lagu saladay, dab-qaad iyo foox bay ka daba wadaan gaalo gumaysata.

Qaar inay fidno ka shaqeeyaan yaa lagu saladay iyo dhaqan dumar.

Qaar imaan la'aan yaa lagu saladay iyo inay xaaraan cunaan.

Qaar ayagoo wabiyadii kor fadhiya yaa haraad lagu saladay.

Qowmka la ciqaabo alle ma nicin rajay leeyihiin, waxaa loo fududeeyaa xisaabta aakhiro mar haday aduunka ku ceeboobeen.

Waligaa dhanka siyaasada ha uga hadlin maamulada soomaalida dhanka dhaqanka ka fiiri.
Waano abuur baa ka horaysay.


 

Share this post


Link to post
Share on other sites
21 hours ago, galbeedi said:

Mr. Gooni,

Hawshan waxa gacanta ku hays Raisul Wasaare Hassan Khayre. 

WAxaanu ogsoonahay in uu xagaagii la soo dhaafay bil iyo wax ka badan joogay dhuusamareeb isagoo ku guda jira hawshan. Arrintani waxay qaawinaysaa ama ay daaha ka faydaysaa kartidii lagu sheegayey Khayre ee ahgayd in uu yahay ni karti iyo wax qabad leh.

Sanad ku dhawaad haddi uu samayn kari waayo dawlad loo dhan yahay eeda dadka reer Galmudug  ma leh ee Khayre iyo xukuumadiisa ayaa iska leh.

Remember despite its dysfunction and quarrelsome attitude of the Galmudug community, they  had a quasi functioning state. Of course Xaaf had involved with  illegal activities to help UAE interfere with Somalia, yet when he was elected , he was somehow the unified leader of Galmudug,

The people of Galmudug had a government and leader based in Cadaado. It was the federal government that helped dismantle Xaaf through the parliament speaker and others. Now, the question is:

 

Dawladii Galmudugna waa la dumiyey mid kalena waa la dhisi kari laayahay wax aqliga galaya ma ahan. Haddii ay maanta laba dawladood meeshaa ka samaysmaan eeda waxa iska leh Khayre. Waa run Farmaajo ayaa madaxweyne ah laakiin waxaan ka dheregsanahay in Khayre iyo Wasiirka arrimaha guduhu ay hawshii qaranka u hayeen ay  u joojiyeen dhisida Galmudug. 

WAxaad ogsoonaataan haddi Khayre ku fashilmo dhisida dawlad loo dhan yahay oo Galmudug ah in uu aysa suurta gal ahayn in uu yidhaahdo waxaan u tartamayaa oo Madaxweyne. Ninkii Adhiga soo xerayn waayey geela loo diri maayo.

 

Meesha nabi haddii loo soo diro inaanan warkiisa la maqleynin waala ogyahay. Kheyre walaa Kheyrto qof wax ka qaban kara malaha dad hoggaan sheeganaayo haddana aanan tanaasul, samir, wada qeybsi iyo dulqaad qaamuuskooda ku jirin.

Kheyre hortiisa meeqo maamul iska soo horjeedo ka jiray? Ximan iyo Xeeb, tan Gaalkacyo, tan Dhuusamareeb ee Ahlusunna iyo deegaanada kuwii afka duubnaa heystaan. Meeqo xarun kumeel gaar ah soo maray? Gaalkacyo, Cadaado iyo Dhuusamareeb. Ilaa iyo haddana laguma heshiin xarunta dhabta ah.

Waa deegaanka ugu tirakoob yar, ugu horumar liito Soomaaliya. Waxaana ugu wacan isjiid jiidka aanan micnaha lahayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararkii ugu dambeeyey doorashada Galmudug iyo dib u dhac kale oo ku yimid

Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa sheegaya inay weli hakad ku jiraan howlihii doorashada ee maamulkaas kadib khilaafkii soo kala dhex galay Dowladda Dhexe iyo Ahlu Sunna, oo garab ka heleyso inta badan musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo.

Waxaa dib u dhacday doorashadii la filayey inay Dhuusamareeb ka dhacdo maadaama ay diideen musharixiinta inay is diiwaan geliyaan iyagoo ka cabanayo inuu jiro musuq maasuq iyo afduub ay dowladda Federaalka ku heyso howlaha doorashada.

Marka loo fiiriyo jadwalkii doorasho oo uu soo saaray guddiga doorashada garabka Dowladda Soomaaliya maanta waxaa lagu ballansanaa in la dhageysto khudbadaha Musharixiinta madaxweynaha halka berri ay tahay in la dhageysto kuwa madaxweyne ku xigeenka, balse waxaa muuqato inaysan jirin ifafaalahaas.

Maamulka Ahlu Sunna oo awood ku leh Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay inaysan ku qanacsaneyn qaabka ay u socoto doorashada Galmudug maadaama ay dowladda Soomaaliya ku eedeysay inay afduubatay doorashada.

Ahlu Sunna ayaa dhawaan soo saartay jadwal doorasho oo ka madax banaan midda ay wado Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxayna ku hanjabtay inay maamul cusub dhisi doonto haddii aysan dowladda Dhexe joojin dhibaatada ay ku heyso doorashada sida uu hadalka u dhigay Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir.

Dhanka kale musharaxiinta u sharaxan xilka madaxtinimo ee Galmudug ayaa horay shuruudo adag ugu xiray guddiga doorashada, taas qayb ka ahayd waxyaabaha dib u dhac ku keenay hawlaha guddiga, maadaama ay mushrixiinta

Mustaqbalka dhismaha maamul Galmudug yeelato oo loo dhan yahay ayaa mugdi  sii galeyso, waxaana laga yaabaa inay Galmudug yeelato 3 madaxweyne haddii aysan wax iska badalin qaabka ay hadda wax u socdaan.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odayaasha Galmudug oo soo saaray toddoba qodob oo xasaasi 

Odayaasha dhaqanka, gaar ahaan kuwa saxiixayaasha Galmudug oo xalay kulan ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb ayaa todobo qodob ka soo saaray doorashada madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay odayaasha ayaa ugu horreyn waxaa dowladda federaalka loogu baaqay in ay taageerto xildhibaanada baarlamaanka Galmudug, islamarkaana ay ku garab istaagto dhismaha maamul mid ah.

Sidoo kale ayaa odayaasha dhaqanka ayaa ka dalbaday baarlamaanka in aan dib loo dhigin waqtiga doorashada, islamarkaana la qabto waqtiga loo asteeyey.

Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu faray xubnaha 20-ka ee Ahlu Sunna ugu jira baarlamaanka Galmudug inay gutaan waajibaadka loo igmaday, kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara khilaaf iyo dib u dhac ku yimaada doorashada maamulkaasi.

Saxiixayaasha Galmudug ayaa dhinaca kale beesha caalamka ka dalbaday inay teegeerto dhismaha loogu jiro maamul mid ah oo ay u dhan yihiin gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Ugu dambeyn waxa ay odayaashaan u soo jeediyeen musharraxiinta u taagan xil ka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa inay ka qeyb qaataan tartanka loogu jiro doorashada.

Saxaafadeedka.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudiga doorashada oo soo saaray habraaca doorashada madaxweynaha Galmudug

Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo ku Xigeenkiisa ee Baarlamaanka Galmudug garabka wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa soo saaray hab raaca Doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Habraaca uu guddiga Doorashada soo saaray ayaa ka kooban ilaa 5 qodob oo xasaasi ah oo qaarkood lagula dagaalamayo Xildhibaanada Ahlu Sunna ee diiday inay ka qeybgalaan Doorashada, waxayna guddiga sameysteen sharci u ogolaanayo in 3/2 Xildhibaanada Galmudug ay dooran karaan madaxweynaha iyo ku xigeenadiisa.

Halkaan hoose ka akrhriso qodobada hab raaca Doorashada

1 – In Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay doortaan Golaha sharcidajinta Dowlad Goboleedka Galmudug.

2 – Waa in Saddex meelood meel joogtaa Xildhibaanada Galmudug Codaynta Madaxweynaha iyo ku xigeenka Galmudug 3/2.

3 – Waa in Musharixiintu u soo jeediyaan  fadhiga Golaha sharcidajinta Dowlad Goboleedka Galmudug ugu yaraan 10 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

4 – Murashaxa kastaa waa in uu Xildhibaanada u soo gudbiyaa Musharaxnimadiisa si waa waafaqsan nidaamka Guddiga doorashooyinka Galmudug.

A – codaynta Doorashada Madaxweynaha Galmudug waa qarsoodi.

B – Codaynta Doorashada Madaxweynaha waa ku guulaysanay Musharixii helaa Codadka Xildhibaanada Saddex meelood Laba meel  3/2.

Hadii Musharaxu ku guulaysan waayo wareega 1 aad waxaa loo gudbaa wareega 2 aad,waxaana ku tartami doona Afarta Musharax ee ugu codadka badan.

Wareega Sadeexaad waxaa u gudbaya 2 Musharax ee ugu codadka badan waxaana ay ku kala guulaysan doonaan Cod haldheere ah 50+1.

5: Doorashada Madaxweynaha ku xigeenka Galmudug waxaa loo marayaa habka doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaanada Ahlu-Sunna oo lagu arkay fadhiga maanta ee baarlamanka Galmudug

WhatsApp-Image-2020-01-29-at-5.15.07-AM-

WhatsApp-Image-2020-01-29-at-5.15.06-AM-

In ka badan oo ka mid ah xilhibaanadii Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa maanta soo xaadiray kulan uu baarlamaanka cusub ee Galmudug uu ku dhageysanayey hadal-jeedinta musharaxiinta xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Galmdug.

Kooxda Ahlu-Sunna ayaa horey u qaadacday doorashada madaxweynaha, waxayna shalay ku dhowaaqeen liis xildhibaano oo cusub.

Xildhibaanno ku dhow 10 ayaa sheegay in ay madaxda Ahlu-Sunna ay isku afgaran waayeen shuruurdaha la hor dhigayo wasaaradda arrimaha gudaha, kadibna ay go’aansadeen in ay ku biiraan xubnaha kale ee baarlamaanka.

Caasimada Online ayaa heshay qaar kamid ah xildhibaannada ka soo muuqday kulankii maanta, waxaana ka mid ah :

1) – Xildhibaan Mahad Kilic Warsame
2) – Xildhibaan Cabdi Maxamuud Fiidow
3) – Xildhibaan Shaacir Sheegow Maxamed
4) – Xildhibaan Yaasiin Sheekh Maxamuud Sheekh Cabdiraxmaan
5) – Xildhibaan Mowliid Sheekh Cali Tahliil
6) – Xildhibaan Mahad Cabdi Xirsi
7) – Xildhibaan Axmed Maxamed Aadan
8 ) – Xildhibaan Xuseen Axmed Carab

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegaysa in xildhibaannadan ay dhanka dowladda Soomaaliya ka heleen ballan-qaadyo kuu aaddan in xilal looga magacaabi doono xukuumadda uu soo dhisi doono madaxweynaha lasoo dooranayo.

Ilaa afar musharrax ayaa u taagan xilka madaxweynahay Galmudug, iyada oo xilka ku-xigeenka madaxweyanahana ay u sharraxan yihiin 5 musharrax. Doorshada ayaana la filayaa inay dhacdo maalinta barri ah.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hadal jeedinta musharaxiinta doorashada Galmudug oo ka socota Dhuusamareeb

Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in goordhow magaaladaasi uu ka furmay kulan ay leeyihiin xildhibaanada 2aad ee baarlamaanka maamulka Galmudug.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominaya, Dr Maxamed Nuur Gacal oo ah guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka maamulkaasi, iyadoona ay soo xaadireen illaa 72 Mudane.

Xildhibaanada ayaa haatan dhageysanaya khudbadaha musharraxiinta u taagan xil ka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Illaa 9 musharrax oo afar ka mid ah ay u taagan yihiin xil ka madaxweynaha iyo shan kale oo u sharraxan xil ka madaxweyne ku xigeenka ayaa jeedinaya barnaamijkooda waxqabadka, sida uu shaaciyey guddoonka cusub ee baarlamaanka Galmudug.

Akhriso Magacyada Musharixiinta Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Musharraxiinta u taagan xil ka madaxweynaha ayaa kala ah:-

1-Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) 2-C/raxmaan Axmed Sabriye 3-Axmed Shire Maxamed (Falagle) 4-Axmed C/laahi Samatar.

Sidoo kale musharraxiinta u sharraxan xil ka madaxweyne ku xigeenka ayaa kala ah:-

1-Cali Daahir Ciid, 2-Axmed Yuusuf Warsame (Taajir), 3-Saadaq Cabdullaahi Xaashi, 4-Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey), 5-Cabdi Qani Sheekh Cali Diini.

Dhinaca kale waxaa muuqata in weli go’aanka afarta musharrax ee ugu saameynta badan doorashada Galmudug uu sidiisii yahay, kuwaas oo kala ah, Cabdiraxmaan Maxamed (Odowaa), Kamaal Daahir Guutaale, Cabdullaahi Faarax Wehliye iyo Cabdi Dheere

Musharraxiintaan ayaa si cad uga biyo diiday inay ka qeyb galaan tartanka doorashada, iyaga oo eedeyn culus u jeediyey dowladda Soomaaliya

Arrintaan ayaa sidoo kale ku soo aadeysa, iyadoo ay beesha caalamka ka digtay sii socoshada khilaafkaan, waxayna ugu baaqday dhinacyada isku haya Galmudug inay wax weliba ku dhameeyaan wadahadal, si looga baaqsado xasilooni darro siyaasadeed.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qoorqoor oo loo doortay madaxweynaha Galmudug

Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa goor dhow madaxweynaha cusub ee maamulkaasi u doortay, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, kadib markii uu ku guuleystay doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Qoor-Qoor ayaa ku soo baxay wareegii koowaad ee doorashada, isagoo helay 66 cod, halka musharraxii kale ee ku xigay ee Cabdullaahi Axmed Samatar uu helay 9 cod.

Sidoo kale waxaa wareegaan ku haray Cabdiraxmaan Axmed Sabriye oo helay 1 cod iyo Axmed Shire Maxamed (Falagle) oo isna helay 1 cod.

Guddoomiyaha baarlmaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal oo ku dhawaaqay natiijada doorashada ayaa shaaciyey inuu xil ka madaxweynaha Galmudug ku guuleystay Qoor-Qoor, islamarkaana uu hoggaamin doono afarta sano ee soo socota.

Musharraxa guuleystay oo ay wadatay dowladda federaalka ayaa horay loo sii ogaa inuu ku soo bixi doono doorashadaan.

Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa sidoo kale isla markii guda galay u codeynta musharraxiinta u taagan xil ka madaxweyne ku xigeenka, kuwaas  oo kal ah:-

1-Cali Daahir Ciid, 2-Axmed Yuusuf Warsame (Taajir), 3-Saadaq Cabdullaahi Xaashi, 4-Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) iyo 5-Cabdiqani Sheekh Cali Diini.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.