Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacabka Galmudug oo soo dhaweeyay heshiiska Ahlu Suna

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Qaar kamid ah dadweynaha ku nool degaanadda Galmudug ayaa soo dhaweeyay heshiiska dowladda iyo Ahlu Sunna.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa shaacisay in Ahlu Sunna loo saxiixay in 20-Xildhibaan ku yeelaneyso baarlamaanka cusub.

Shacabka iyo wax-garadka bogaadiyey heshiiska ayaa sheegay in ay dhabaha u xaareyso dhismaha maamul loo dhan yahay.

Xukuumadda federaalka ah ayaa ku howlan sidii ay degaanadda Galmudug uga dhisi lahayd maamul goboleed qayb ka noqda horumarka dalka.

Odayaasha Dhaqanka oo dhankooda soo dhaweeyay heshiiska ayaa waxay shaaca ka qaadeen in ay kaalin ka qaadan doonan dhaqankiisa.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/SA.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this