Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo dalka Qatar uga qayb gelaya Madasha Dooxa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo sanadkii sedaxaad uu uga qayb gelayo madasha Dooxa

Madasha Dooxa oo ay ka qeyb gelayaan madax ka socota qaar kamid ah dowladaha caalamka iyo hey’ado caalami ah, sanadkaanna looga hadlayo ajandayaal ay kamid yihiin amniga, teknoolojiyadda, dhaqanka iyo ganacsiga ayaa soconeysa Deseembar 14-15, 2019.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa madasha Dooxa ka qayb galay sanadihii 2018 iyo 2017

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, wasiirka arrimaha dastuurka iyo mas’uuliyiin kale ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya safarka uu ugu baxay dalka Qatar.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa inta uu joogo Dooxa waxa uu kulamo doceedyo la yeelanayaa madaxda Qatar iyo qaar kamid ah madaxda kale ee ka qayb geleysa madasha Dooxa.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this