Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo dil ka geystay Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (SMN) – Dabley ayaa degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dishay askari ka tirsan dowladda.

Askariga la toogtay ayaa waxaa la sheegay in uu ka tirsanaa Waaxda Canshuur Qaadista ee ee magaaladaas.

Kooxaha hubeysan ee falkaas ka dambeeyay ayaa ka baxsaday halka ay wax ka dhaceen oo ay gaareen laamaha amaniga.

Ma jirto urur sheegatay mas’uuliyadda falkaan.

Hay’adda nabad-gelyadda ayaa nan wali wax war ah kasoo saarin falkaan lagu khaarijiyey askariga oo maanta dhacay.

Dilkan ayaa kusoo aadaya xili shacabka degmadda ay walaac badan ka muujinayeen ammaanka magaaladda Afgooye.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this