Sign in to follow this  
Deeq A.

Roobab daadad wata oo ka da’ay gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan (Dhaban Cad) ayaa maanta faah faahiyey  roobab saacadihii la soo dhaafay ka da’ay maamulkaasi.

Dhaban Cad ayaa sheegay in roobabka oo da’ayey saddexdii maalin ee la soo dhaafay ay geysteen khasaaro lixaad leh oo isugu jira naf iyo maal intaba.

Wasiirka ayaa tilmaamay dooni ay la socdeen Kalluumeysato u dhalatay Yemen ay la tageen biyuhu, islamarkaana uu ku dhintay 1 qof, 9 kalena la soo badbaadiyey.

Maxamed Cabdiraxmaan (Dhaban Cad)  oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in daadadku qaadeen xoolo ay lahaayeen qoysas ku dhaqan gobolka Bari.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah inay muujiyaan feejignaan, islamarkaana ay ka fogaadaan meelaha togaga ah, si aysan u badan waxyeeladu.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this