Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya dagaal ka dhacay Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo maanta ka dhacay duleedka degmada Awdheegle ee gobolka Sh/Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga oo ku sugnaa halka loo yaqaano Jiiro Shangare ee degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyey labada dhinac, walow aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay inay iska difaaceen weerar kaga yimid dhanka Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this