Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka socda gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in maanta dhaq dhaqaaq ciidan ay ka bilaabeen duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay u raqaansadeen deegaano hoos yimaada degmadaasi oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaasi ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedkooda uu yahay, sidii Al-Shabaab looga saari lahaa halkaasi.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa cabsi xoogan ka muujinaya inuu qarxo dagaal u dhexeeya labada dhinac.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Baardheere ka jiray dhaq dhaqaaqyo Milatari oo u dhexeeya dagaalyahannada Al-Shabaab iyo ciidamada DF ee ku sugan degmadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this