Sign in to follow this  
Deeq A.

Koox hubeysan oo maanta toogasho ka fulisay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil ay goor dhow kooxo hubeysan ka geysteen gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Toogashada ayaa lagu soo warramayaa in loo geystay nin da’ahaa oo ku sugnaa qeybta daawada, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen goobjoogayaal, waxaana dadka aan la hadalnay ay sheegeen in raggii ka dambeeyey dilka ay goobta isaga baxsadeen.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in meesha uu dilku ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda, kuwaas oo baaritaano la xariira dhacdadaasi ka bilaabay gudaha Suuqa Bakaaraha ee degmada Howlwadaag.

Wararka qaar ayaa sheegaya in marxuumka uu ka mid ahaa dadka Dalaaleyda, mana cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilkiisa.

Muddooyinkii la soo dhaafay amniga Caasimada ayaa waxa uu ahaa mid degan, iyadoo ay aad u yaraayeen dilalka iyo qaraxyada ay ka fuliso kooxda Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this